4464 Views

Wasiiro xilalkii laga qaaday, kuwo kalena lagu bedelay

Wasiiro xilalkii laga qaaday, kuwo kalena lagu bedelay
____________________________________________________________________________

Baydhabo, 24 June 2016 (Villa Somalia) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo saaray xeer uu ku aqbaley xil ka qaadis uu Ra’iisul Wasaaraha ku sameeyey laba xubnood oo ka tirsanaa Golaha Wasiirada.

Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa kala ah Marwo Khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Marwo Xaawo Xasan Maxamed oo ahayd Wasiirka Caafimaadka.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha aqbaley magacaabista laba wasiir oo cusub oo xilalkaasi la wareegaya.

Wasiirada la magacaabay ayaa kala ah Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo noqonayaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, iyo Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur oo noqonayaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

Aqbalaadda xil ka qaadista iyo magacaabista xubnahan Golaha Wasiirada ka tirsan ayaa dhaqangaleysa maanta oo taariikhdu tahay 24 June, 2016.

.Marwo Xaawo Xasan Maxamed Marwo Khadra Bashiir Cali

.

_____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment