4341 Views

Ciidanka Xoogga Dalka oo u diyaarsan La Wareegista Amniga Dalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo u diyaarsan La Wareegista Amniga Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 25, 2016:Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay la wareegaan sugidda amniga guud ee dalka islamarkaana la dagaallamaan cid walbo oo cadow dalka ku ah ama weerar ku soo qaadda xuduudka waddanka.

 Maxamed Aadan Maxamed oo ah taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa mar uu hadlay  sheegay in ciidanka xoogga dalka ay AMISOM kala wareegi karaan amniga dalka maadaama dalkoodu yahay diyaarna u yihiin.

“Ciidanka xoogga waa uu diyaar sanyahay waxay la wareegi karaan amniga guud ee dalka, waxay diyaar u yihiin inay cadowga difaacaan, sidoo kale waxay diyaar u yihiin in Al-shabaab ay dalka ka qabtaan, AMISOM maanta waa ay kala wareegi karaan dalkooda” ayuu yiri Afhayeenka.

Inkastoo taliyaha xoogga dalka sheegayo in dalka ay la wareegi karaan hadana ma muuqato ciidan Soomaaliyeed oo amni dalka guud xajisan kara, la dagaalli kara Al-shabaab ama xuduudaha difaaci kara, balse waa la dhisi karaa, taasina waxa ay ku xirantahay hadba sida Dowlada Soomaaliya ay wax u maamusho.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment