1161 Views

26 carruur ah oo ku geeriyootay dab qabsaday goobtooda Waxbarashada oo ku taala Dalka Niger

26 carruur ah oo ku geeriyootay dab qabsaday goobtooda Waxbarashada oo ku taala Dalka Niger
____________________________________________________________________________

Talaado: November 9, 2021

 Ugu yaraan 26 carruur ah ayaa ku geeriyootay iskuul ku yaala Koonfurta Dalka Niger kadib markii uu dab qabsaday iskuulka ay dhiganayeen sida ay Maamulka Deegaanka u sheegeen Wakaaladda Wararka ee AFP.

“26 carruur ah ayaa geeriyootay 13 kalena dhaawacyo culus oo gubasho ah ayaa soo gaartay kadib markii uu dab xoogan ku qabsaday fasalada ay ku jireen oo ka sameysnaa Jiingado, Cawshado iyo alwaaxyo, waxaana iminka xaaladooda ay aad u liidataa afar ka mid ah 13 ka dhaawaca ah” ayuu yiri Chaibou Aboubacar, oo ah duqa magaalada Maradi ee dalka Niger oo hadalkiisa ku daray in carruurta iskuulka ku geeriyootay ay da’doodu u dhexeysay shan ilaa iyo lix sano jir.

Issoufou Arzika, oo ah xoghayaha guud ee Ururka Midowga Macalimiinta Dalka Niger, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in gebi ahaanba uu basbeelay iskuulka ku yaalo magaalada Maradi.

Arzika ayaa sheegay in ururkiisu uu ku wargaliyay saraakiisha qaabilsan dhanka Waxbarashada khatarta ka dhalan karta fasalada cawska iyo alwaaxda ka sameysan kadib dabkii ka kacay Iskuul ku yaalo Degmada Niamey bishii April ee sanadkan, kaasi oo ay ku nafwaayeen 20 carruur ah oo ka mid ahayd ardaydii iskuulka dhiganeysay.

Niger, oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan Dunida ayaa waxaa ka jirta baahi dhanka adeegyada Waxbarashada, waxaana goobaha qaar laga hirgeliyay xarumo Waxbarasho oo ka sameysan cawshado iyo alwaaxyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post