3108 Views

Booliska Talyaaniga oo u xirey muwaadin Soomaaliyeed ayado lagu haysto tahriibinta

Booliska Talyaaniga oo u xirey muwaadin Soomaaliyeed ayado lagu haysto tahriibinta
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 26, 2016: Waxaa na soo gaaray in Booliska dalka Talyaaniga, ay xabsiga u taxaabeen muwaadin Soomaali ah oo ku sugan magaalada Rome, ayada oo loo haysto arrimo la xiriira soo gelinta dalka Talyaaniga dad aan u dhalan wadamada Midowga Yurub iyo dalalka kale ee reer Yurub.

Xeer ilaaliyaasha ka hortagga argagaxisada oo saldhigeedu yahay magaalada waqooyiga Talyaaniga ee Brescia ayaa amar lagu xirayo ninkan oo aan magaciisa la sheegin soo saaray.Ninkan ayaa lagu eedeeyay in uu dukumintiyo been abuur ah uu siiyay dad faro badan kuwaasoo soo galay dalka Talyaaniga.

Dadka lagu eedeeyay in uu ninkan soo geliyay dalka Talyaaniga ayaa waxaa ka mid ah labo ruux oo u dhalatay dalka Siiriya kuwaasoo la qabtay sanadkii hore. Labadan nin ayaa lagu qabtay magaalada Waqooyi ee Bergamo iyadoo lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin ururka Islaamiga ah ee IS. Raggan ayaa doonayay markii la qabanayay inay diyaarad u raacaan Malta.

Wadanka Talyaaniga ayaa waxaa dhibaato ku haya dadka soo galootiga ah iyadoo kumanaan ruux ay sanad walba ka soo gudbaan badda Mediterranenka ayaa sidoo kale waxaa dalkaas taga boqolaal ruux oo wata dukumintiyo been abuur ah oo an la wada ogaym halka ay soo qaateen.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment