5265 Views

Madaxweynaha: “Waa inaan ka wada shaqeynaa xoojinta midnimada Soomaaliya’’

Madaxweynaha: “Waa inaan ka wada shaqeynaa xoojinta midnimada Soomaaliya’’
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 26 June 2016 (Villa Somalia)—- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska 26-ka June ee sannad-guuradii 56-aad ee ka soo wareegtay xornimadii gobollada waqooyi ay ka xorroobeen gumeysigii Britain. ‬‬

Waxaa uu Madaxweynaha oo xaley ka qeybgaley xafladda 26-ka June oo ka dhacdey Muqdisho uu sheegay in halgameyaashii xorriyadda ay waddanka taariikh wanaagsan iyo midnimaba u horseedeen, balse khaladaad dhinaca maamulka dowliga oo dhacay ay dhaawaceen midnimadii iyo wadajirkii ummadda.

“Soomaaliya Dal ahaan ma fashilmin, ummad ahaan ma fashilmin, balse siyaasadda ayaa naga yara xumaatey, taasina waxay dhashey waxa aanu maanta ku suganahay. Weli waanu nool nahay, waxaana waajib inaga saaran inaan saxno khaladaadka dhacay si aan u soo celino haybadii iyo sharaftii ay Soomaaliya lahayd’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

26-ka-juun-1

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in shacabka ku dhaqan gobollada waqooyi ay horay u muujiyeen Soomaali jaceyl iyo midnimo jaceyl, iyagoo wax walba ka hormariyey midnimada dalka.

“Walaalaheena gobollada waqooyi waxay kaalin weyn ka qaateen in midnimada ay dhalato, iyagoo weliba aan wax shuruud ah ku xirin. Waxay taasi muujineysaa heerka ay ka taagnaayeen inay arkaan Soomaali oo mid ah. Waan qiraynaa in khaladaad ay dhaceen, dhibaatana loo geystey xornimada kadib. Khaladaadkaasi waxaa sal u ahaa siyaasadda iyo nidaamka dowliga oo naga xumaaday. Waxaan mar kale diyaar u nahay inaan muujino garowshiyo, daweynta nabarada soo gaaray iyo inaan ka fogaano wax alaalee wixii khatar gelin kara wadajirkeena iyo wada noolaanshaheena’’.

26-ka-juun-4

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib loogu qaabeynayo siyaasaddeeda, iyadoo la hirgeliyay nidaam federaali ah oo xukunka lagu baahinayo oo loo arkey mid xal u noqon karta mashaakilka siyaasadeed ee dalka.

“Waa inaan dhisnaa tiirar adag oo wax ka tari kara mustaqbalka siyaasadda ee waddankeena. Waa inaan iska ilaalinaa in mar kale aan ku dhacno khaladaadka aan horay u sameyney ee waddankeena burburka u horseeday. Midnimadii waqooyi iyo koonfuur dhaawac siyaasadeed ayaa soo gaarey, laakiin bulshada Soomaaliyeed oo dhan ayaa maanta u baahan in dib loo mideeyo maadaama dagaaladii sokeeye ay dhaliyeen is-aaminaad darro iyo kalsooni xumo’’.

26-ka-juun-5

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay ka shaqeeyaan horumarka, nabadda iyo midnimada dalka.

Munaasabadda 26-ka June awgeed, ayaa Madaxweynaha waxaa uu saaka ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

.26-ka-juun-3 26-ka-juun-9 26-ka-juun-8 26-ka-juun-7 26-ka-juun-6 26-ka-juun-2

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment