5706 Views

TACSI : Marxuum Burci Maxamed Xamza

TACSI : Marxuum Burci Maxamed Xamza
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 26, 2016 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer, Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye” , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Ali Mohamed Ali , Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Burci Maxamed Xamza oo ahaa Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka, oo June 25, 2016, ku geeriyooday Caasimadda Muqdisho.

Marxuum Burci Maxamed Xamza oo xilal kala duwan ka soo kala qabtay dowladihii kala duwanaa ee dalka soo marayay si gaar ah Wasaaradaha Deegaanka, Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda, waxa uu ahaa siyaasi, macallin iyo barbaariye ku xeel dheeraa ku hadalka iyo qoridda in ka badan shan luqadood.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations

.

.

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment