15264 Views

Wax ka baro xidigihii soo maray Kooxdii LLPP kubada Cagta iyo Koleyga wiilasha iyo gabdhaha

Wax ka baro xidigihii soo maray Kooxdii LLPP kubada Cagta iyo Koleyga wiilasha iyo gabdhaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 25, 2016 –  Waxaan Maanta idiin soo gudbiineynaa Warbixin isboorti oo ku saabsan Naadigii Heerka 1 ee LLPP-jeenyo iyo Ciyaaryahanadii soo maray,waxaana ku horeyneynaa Dhinaca Kubada Cagta,anagoo sidoo akle idiin soo gudbineyna Isla warbixintaan Xidigihii soo maray Dhinaca Kubada Koleyga Wiilasha iyo Gabdhaha jeenyo

Dhinaca Kubada Cagta waxaa soo maray Kooxda LLPP – Jeenyo

  1. AUN  Sacad Maxamed Luqri
  2. Hiraabe
  3. AUN Baroow Taagane
  4. AUN Shariif Xamsa Cabaas
  5. AUN Baasi Maxamed Nuur
  6. Nuur Maxamed Nuur ‘N.Qaloocoow’
  7. Axmadeey Hilowle
  8. Cadowle
  9. Muxiyadiin Karatee
  10. Cabdi Shakuur
  11. Muxiyadiin Darboweyne
  12. Yuusuf Shaqaaq
  13. Cantar Jeenyo
  14. Fuaad Jeenyo
  15. Xaaji Macow Barakoobe
  16. Xaaji Cabdi Cilmi
  17. Witig
  18. Ismaaciil  Garille
  19. Bashiir Jeenyo
  20. Shariif Kaneeco
  21. Ayuub Jeenyo
  22. Maxamed .X.uureey
  23. Cabdi Budiiste
  24. M.M. Cali’ Turunbo’
  25. Daauud Jeenyo
  26. Akookow
  27. AUN Cali Darbo
  28. AUN Ooyaaye
  29. AUN Cabdulaahi Cabdi
  30. Cali Quluub
  31. Coof
  32. Cabdi Cade

JEENYO-SOCCER-1986

Dhinaca Wiilasha Kubadda Koleyga waxaa ka mid ahaa Xidigihii soo maray.

  1. Saciid Qoorsheel
  2. Saciid Gees
  3. Cabdi dheere
  4. Baarajab
  5. Cabdala dheere
  6. Cabdi Xalwo
  7. Bivot
  8. Xaaji
  9. Daley
  10. Madaxey
  11. Cabdiqani Jenyo

WIILASHA-IYO-GABDHAHA-LL-PP

Dhinaca Gabdhaha Xidigihii soo maray Naadiga Jeenyo waxaa ka mid ahaa una Qaaday Koobabka Wixii ka dambeeyay 1985

  1. Astur Jaamac Cilmi
  2. Muki Nuur Muudeey
  3. Ayaan Cabdi Xaaji
  4. Faadumo Aweys
  5. Nasro
  6. Batuulo
  7. Khadiijo
  8. Sareedo Ibraahim
  9. Ruqiyo Islow
  10. Aamino
  11. Deeqo

JEENYO-BASKETBALL-1988

N.B lambarkii 9 ee Gabdhaha Kubada Koleyga  LLPP isla markaana u qaadan jirtay Xulka Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya Lambarka 10 Ciyaaryahanad  Astur Jaamac Cilmi ooa an Dareenkeeda Naadigii LLPP jeenyo wax ka weydiiyay ayaa sheegtay in Naadigu ahaa Koox magac weyn Ku leh Isboortiga Soomaaliya waxa ayna xustay in Taageerayaal aad u fara badan ay ku lahaayeen Garoomada.

‘Galabta,iyo habeenka ay Ciyaarayaan Kooxda Kubada Cagta iyo kuwa Kubada Koleyga Wiilasha iyo hablaha waxaan xasuustaa sidii Garoomada Isboortiga loo soo camiri jiray,Naadiga LLPP waxa uu ahaa Naadi magac iyo sumcad ku leh isboortiga Soomaaliya’ ayey tiri Astur Jaamac Cilmi oo ka mid aheyd xidigihii lafdhabarka u ahaa Gabdhaha LLPP isla markaana la qaaday dhamaan koobabkii ay ku guulesyteen wixii ka dambeeyay 1985.

‘ Markaan Imid Naadiga Gabdhaha Kubada Koleyga LLPP aad baa la ii soo dhaweeyay waxaana kooxda u Daahfuray inaan kula guuleysto Koobkii ugu Horeeyay ee Horyaalka Gabdhaha Kubada Koleyga Sanadkii 1985kii, Mudadiia an u saftayna waxaan  la qeybsaday 3 Koob oo Horyaaalka Kubada Koleyga gabdhaha Heerka 1 ee Soomaaliya iyo 2 koob oo Janaraal Daauud ah’ ayey Tiri Astur Jaamac Cilmi oo ka mid aheyd Gabdhihii ugu magaca Weynaa Kubada Koleyga Soomaaliya.

Astur Jaamac Cilmi ilaa Yaraanteedii   isboortiga aad bay u jecleyd walina kama Caajisin dhiirigalinta Isboortiga waxa ayna ku Baaqday in la xoojiyo Horumarinta isboortiga iyo nabada oo saldhig u ah Furaha Nolosha.

ugu Dambeyntii Astur Jaamac Cilmi waxa ay salaan u dirtay Guud ahaan Ummada Soomaaliyeed,Bahdii isboortiga iyo Ciyaartoydii Naadiga jeenyo Meel kasta oo ay joogaan waxa ayna Alle uga bariday in Ramadaankaan Ramadaankiisa ay ku Gaaraan Caafimaaad,Cimridheer iyo Horumar iyo nabad.

Taageerayashii isboortiga ee Kooxdii Howlaha Guud LLPP Jeenyo marna ma hilmaami doonaan Doorkii ay ku lahaayeen Ciyaaraha Kooxdii Jeenyo ee uu gudoomiyaha u ahaa AUN Nuur Xuseen Cabdi’ Nuur Jeenyo’ Aabihii isboortiga Soomaaliyeed.

.

.

Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’

Uurdoox2016@gmail.com

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment