5265 Views

Xanuunka Kaduudiyaha oo ku soo badanaya magaalada Jowhar

Xanuunka Kaduudiyaha oo ku soo badanaya magaalada Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 26, 2016: Cudurka kaduudiyaha oo noqday cudur ka mid ah cudurada saameynta ku yeeshay deegaano ka mid ah koofurta Soomaaliya ayaa waxa uu faro ba’an ku hayaa dadka barakacayaasha ah iyo dadka ku nool magaalada Jowhar.

Xanuunkaan, ayaa waxa uu ku dhacay qaar kamid ah qoysaska barakacayaasha ah iyadoo uu cudurkani saameeyay carruurta,haweenka iyo dadka da’ada ah, kuwaas oo nuxsan kari waayay.

Mid kamid ah xerooyinka barkacayaasha ee magaalada Jowhar ayaa waxa qoysaska ku nool ay sheegeen in cudurka kaduudiyaha uu dhibaato ku hayo iyadoo aysan jirin daawo rasmi ah oo lagu daweeyo cudurkan, in la iska sugo ma ahee.

“Ma haysano  maro kaneeco aan ka galno qaniinyada kaneecada haddana waxaa da’aaya roobabkii xaggaaga,”ayuu yiri Cali Cumar oo ka mid ah dadka barakacayaasha ee magaalada Jowhar ku nool.

Dadkaan barakacayaasha ayaa waxa ay codsi u direen dowlada federalka gaar ahaan wasaarada caafimaadka inay la soo gaarto maro kaneeco iyo daawooyinka loogaga hortago cudurada ay keento kaneecada oo ku badanaayo xiryaha qaxootiga  ee Jowhar.

“Waxaan ka codsanaynaa wasaarada caafimaadka inay la soo gaarto dadka ku jira xeryaha barakacayaasha maro kaneecooyin iyo daawooyinka loogaga hortago kaneecada.”ayuu sii raaciyay Cali Cumar Caddow oo ka mid ah guddiga xerada qaxootiga ee Jiliyaale ee magaalada Jowhar.

Kaduudiyaha ayaa sidoo kale waxaa uu ka jiraa xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar.Dadka ugu badan ee haatan tegaya xarumaha caafimaadka magaalada Jowhar ayaa ah kuwo uu soo ritay cudurka kaduudiyaha ama Kasikabobow.

kadudiye-3kadudiye-2kadudiye-6kadudiye-7

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment