3174 Views

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Boqortooyada Belgium

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Boqortooyada Belgium
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27 June 2016 (Villa Somalia) —– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Belgium wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, Roxane de Bilderling.

Madaxweynaha ayaa Danjiraha u ballanqaaday in si buuxda ay Dowladda Soomaaliya ula shaqeyn doonto, uuna ku faraxsan yahay doorka Belgium-ka ee arrimaha Soomaaliya.

Danjire de Bilderling ayaa sheegtay in dalkeeda oo xubin ka ah Midowga Yurub uu diyaar u yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Dowladda Belgium waxay ballanqaadday inay Soomaaliya kala shaqeyn doonaan arrimo badan sida amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

md-xasan-warahaqa-belgum-7 md-xasan-warahaqa-belgum-8 md-xasan-warahaqa-belgum-3 md-xasan-warahaqa-belgum-4 md-xasan-warahaqa-belgum-2 md-xasan-warahaqa-belgum-5 md-xasan-warahaqa-belgum-6 md-xasan-warahaqa-belgum-1

.

.

.

_____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment