3306 Views

Madaxweynaha oo loogu baaqay inuu ka dhabeeyo balan-qaadki

Madaxweynaha oo loogu baaqay inuu ka dhabeeyo balan-qaadki
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 28, 2016: Wariyeyaasha Soomaaliyeed kulan ay sugu yimaadeen ayey ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka dhabeeyo balan-qaadkiisa ahaa inuu Wariye C/risaaq Cilmi Black loo qaadi doono caafimaad dibadda ah, kadib amrkii xaaladiisa caafimaad wax looga qaban waayay dalka, halkaas oo in muddo ah ka war sugaayay Madaxweynaha.

Wariyeyaasha Soomaaliyeed  ayaa Madaxweynaha ka codsaday inuu dedejiyo balan-qaadkiisa ahaa in Caafimaad dibadda loo qaadi doono Wariye C/risaaq Black oo muddo saddex jeer qaliin maray.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiiyinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maahir Jaamac Aadan ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu ka dhabeeyo balan-qaadkiisa, isagoo xusay inay dareensan yihiin howsha qaran ee Madaxweynaha dalka u haayo, balse aan bukaanka waqti dheer dalka lagu heyn karin.

Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure ayaa sheegay inay dareensan yihiin Madaxweynaha ku mashquulay howlo siyaasadeed, hase ahaatee ay ogyihiin in aanu hilmaamin, waxaa uu ka codsaday in la dedejiyo sidii dalka dibadiisa loogu qaadi lahaa Wariye Black.

Maxamed Maxamuud Dhoore oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada London oo ka hadlayay kulan lagu soo dhoweynayay Xoghayaha Guud ee NUSOJ ayaa sheegay in madaxweynaha uu horay u balan qaaday sidii C/risaaq Black dibada caafimaad loogu qaadi lahaa, haatana ay ka sugayaan inuu balan-qaadkaas uu fulo.

Wariye C/risaaq Cilmi Black ayaa sanadkii 2014 lagu dhaawacay meel ku dhow hoygiisa, waxaana tan iyo xilligaas uu ahaa bukaan socod, isagoo saddex jeer maray qalliin dhinaca caloosha, dhaqaatiirta ayaa sheegay in aan xaaladiisa dalka waxba looga qaban karin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 27-kii bishii May balan-qaaday inuu caafimaad dibadda u qaadi doono Wariye C/risaaq Black.

“C/risaaq Black arintiisa aad iyo aad ayey u xanuun badan tahay , dhowr mar ayuu qaliin galay waan la socdaa xaaladiisa, Black waa la daaweynayaa, daaweyntiisa aniga ayaa ballan qaadaya, meeshii inoogu fudud una dhaqso badan ayaan caafimaad ugu qaadeynaa Alllaah ayaana kaga baryayaa inuu cafimaad deg deg ah siiyo”ayuu yiri Madaxweynaha mar uu ka hadlayay xaalada caafimaad ee Wariye Black.

Channel-640x407

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment