3678 Views

Somaliland oo 25 nabadoono ku xirtay magaalada Laascaanood

Somaliland oo 25 nabadoono ku xirtay magaalada Laascaanood
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 28, 2016: Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Somaliland ay xabsiga dhigeen illaa 25 Nabadoono ka soo kala jeeda beelo dhowaanahan ku dagaalamayay deegaanka Dharkeyn-Geenyo iyo deegaano kale.

Xariga odayaasha ayaa ka dambeeyay amarka Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Waran-Cadde, iyadoo lagu eedeeyay Nabadoonada inay ka xal ka gaari waayeen colaado soo noq noqday oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku sugan Laascaanood, halkaasoo ay u joogaan dhameynta dagaalo dhex maray labo beelood.

Dagaalo u dhaxeeya labo beelood oo wada dega Gobolka Sool ayaa maalmo ka hor dib ugu qarxay deegaanka Dharkeyn-Geenyo, waxaana la soo sheegayaa inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamo ka tirsan Somaliland ayaa dhowaan kala dhex galay labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamay, balse markii la gaaray xal nabadeed ayuu mar kale dagaalka dib u soo cusboonaaday.

Somaliland ayaa ku eedeeysay odayaasha iyo nabadoonada labada dhinac in aanay dhab ka aheyn soo afjarida colaada deegaankaas ku soo noq-noqday in muddo ah.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment