5292 Views

Darawal Bajaajle Oo Lagu Dilay Muqdisho

Darawal Bajaajle Oo Lagu Dilay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 29, 2016: Waxaa lagu soo warramayaa in Askari ka tirsan ciidanka DFS in maanta uu magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Ex-control Afgooye ku dilay wiil darawal ka ahaa Mooto loo yaqaano Bajaaj.

Wararku waxay sheegayaan in askariga uu darwalka ka rabay lacag baad ah, balse uu darawalkii diiday, sidaasna loo dilay, iyadoo askariga uu ka baxsaday markii hore halka wax ka dhaceen.

Ciidamada dowladda oo howlgallo ballaaran sameeyay ayaa la sheegay in degmada Dharkeenley ee Muqdisho kasoo qabteen askarigii wax dilay, islamarkaana xabsi la dhigay.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya badi ma tixgeliyaan shacabka sidoo kalena uma turaan dadka ay u shaqeeyaan waana midda soo dedejisa dilalka micno darada ah.

Waxa ay u badantahay in Baadda askarta ay ka qaado shacbiga, ay ka war qabaan madaxdooda qaar oo uu ka dhaxeeyo Baad wadag.

Waxyaabaha magaalada Muqdisho ka dhacaaya hadii ad u fiirsatid waxad qiree in Dowlad ayna ka jirin Muqdisho.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment