4929 Views

Gobolka Galgaduud oo Dagaal ka dhacay

Gobolka Galgaduud oo Dagaal ka dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 29, 2016: Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo taageero ka helaya AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay oo dhimasho iyo dhaawac.

Warka na soo gaaraya, ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhacay deegaanka Ceel-Hareeri, halkaasoo laga soo sheegay inay duulaan ku qaadeen Ciidamada huwanta.

Saraakiisha ciidanka milateriga ee ku sugan Galgaduud ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen illaa 7-dagaalame, isla markaana dagaalka ahaa mid aad u xooggan.

Al-Shabaab ayaa qoraalo ay soo dhigeen baraha Internet ee taageera ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen askar ka tirsan ciidanka dowladda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka socda Itoobiya ayaa muddooyinkii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud oo loo haysto in Dowlada ay illowday.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment