3609 Views

Gaari siday Hub Iyo Qarax oo Lagu qabtay Muqdisho

Gaari siday Hub Iyo Qarax oo Lagu qabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 3, 2016: Ciidamada NISA ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay gaari sida walxaha qarxa iyo sidoo kale hub u badan kuwa garbaha laga tuuro oo kala duwan.

NISA, ayaa xalay Xaafadda Saybiyaano Degmada Hodan ay u suurta gashay in ay ka soo qabtaan Gaari ay saaran yihiin  Hub iyo Walxaha Qarxa.

Wakaalada ku hadasha afka dowladda ee lagu magacaabo SONNA ayaa sheegtay in Gaari ay ciidanka dowladda Soomaaliya soo qabteen ay saarnaayeen hub aad u farabadan.

Hubka lagu soo qabtay Gaariga ayaa waxaa ka mid ah Garneelada Garabka laga Tuuro, Qoriga AK47 iyo hub kale oo fara badan.

02

01-1024x576

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment