5106 Views

Germany oo u talowday Sami Final-ka Euro 2016 ka diib Markii ay rigoorayaal ku legdeen Italy

Germany oo u talowday Sami Final-ka Euro 2016 ka diib Markii ay rigoorayaal ku legdeen Italy
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 2, 2016 – Xulka Germany ayaa u soo Gudbay Sami Finalka Euro 2016 ka dib Markii ay Rigoorayaal uga badiyeen Xulka Talyaaniga oo Xifaaltan adagi kala dhaxeeyo.

Ciyaartaan ka Tirsaneyd Wareega 8 ee Euro 2016 waxa ay aheyd mid adag oo aad loo wada sugayay,iyadoo 2 xul qadarkii ugu Horeeyay Ciyaarta isku qaaday dhowr weerar oo ay ka muuqatay inay kala baqayeen qolo kastana ay is laheyd  yaan lagaaga horeyn Goolka waxaana qeybtii Hore lagu kala nastay 0-0.

Qeybtii Danbe markii la isagu soo laabtay Waa ka kululaatay qeybtii Hore,Daqiiqadii 65 Xidiga Naadiga Arsenal iyo Xulka Germany Ozil ayaa Xulkiisa u dhaliyay Gool qurux badan,hase ahaatee Talyaanigu kuma niyad jabin Goolkaasi waxaana u barbareeyay Difaaca Kooxda Juventus iyo Xulka Talyaaniga Banucci oo dhaliyay Rigoore.

italy-vs-germany-3

Inta ay socotay Ciyaarta labada Xul Ciyaartoydeeda waxa ay qaaten Dhowr Huruud ah oo Qaar kamida ka baajisay kulanka loogu soo gudbayo Sami Finalka.

30kii Daqiiqo eee dheeriga aheyd waxa ay labada Xul isla dhaafi waayen 0-0 walow dhowr hujuum oo qatara ay labada dhinac iska qaadeen,waxaana ugu Dambeyntii lagu kala saaray Sida sharcigu qabo Rigoorayaal si loo helo cida u soo bixi laheyd Lugta Sami Finalka Koobka Euro 2016.

Rigoorayaashii la tuuray labada Xul waxaa qasaariyay Ciyaartooy magac ku leh Xulka Germany iyo Italy,waxaana ugu Dambeyntii Dambeyntii ay Guusha ku raacday 6-5 Xulka Germany ee heysta koobka Aduunka 2014.

italy-vs-germany-1

Qaabkii Rigoorayaasha labada Xul ay u dhacday  iyo Natiijadii kama dambeysta.

Germany                          vs           Italy

Toni Karoos ( Gool )             vs                Lorenso Insigne  ( Gool )

Thomos Muller ( ma dhalin )   vs           Simone Zaza      ( Ma dhalin )

Ozil                 ( Ma dhalin )  vs            Barzagli                ( Gool )

Julian Draxler    ( Gool )         vs             Pelle                       ( Ma dhalin )

Bastian Schweinsteiger ( ma dhalin )  vs  Leonardo Bonucci       ( ma dhalin )

Mats Hummels         ( Gool )    vs             Emanuele Giaccherini ( Gool )

Joshua Kimmich   ( Gool )        vs          Marco Parolo  ( Gool )

Jerome Boateng   ( Gool )          vs      Mattio De Sciglio ( Gool )

Jonas Hector       ( Gool )           vs     Matteo Darmian ( ma dhalin )

Xulka Germany ee u soo Gudbay Sami Finalka Euro 2016 waxa uu ku dhacayaa hadii alle idmo Xulalka Franca iyo Iceland kii Caawa u soo baxa Sami Finalka Euro 2016

.

Waxaa Diyaaariyay

Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’

_____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment