3669 Views

C/karaiin Guuleed Oo Sanad Jirsaday Iyo Dhaliil Loo Jeediyey

C/karaiin Guuleed Oo Sanad Jirsaday Iyo Dhaliil Loo Jeediyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 4, 2016: C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta oo ah 4-ta July Sanad jirsaday, waxaana ay ku beegan tahay maanta maalintii uu xilka qabtay.

Guuleed ayaa degmada Cadaado ku sameysan doona caawa dabaaldeg ku saabsan maalintii uu xilkaan qabtay, balse waxaa ku dheggan shacabka uu madaxweynaha u yahay kuwaas oo iiman badan u yeelay.

Shacabka Reer Cadaado oo ka aragti dhiibtay sanad jirsashada maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay la yaab tahay in sanad idil oo dhammaaday aan wax horumar ah la gaarin dadkuna ay baarka dhulka ku hayaan.

Shacbiga uu madaxa u yahay ayaa ku eedeeyay in Guuleed uu ka baxay ballanqaadyadii ahayd inuu dhiso doono waddooyin, dekadda Hobyo, iskuullo iyo shaqo abuur intaba.

Dadka qaar, waxay sheegeen in markii uu yimid uu huriyey oo kaliya dagaallo ka dhacay Galmudug, islamarkaana beello nabad ku wada noolaan jiray ay hadda dagaallamayaan oo is nacay.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment