3945 Views

“Waa dhamaatay waqtigii guryaha xoog lagu heysan jiray”

“Waa dhamaatay waqtigii guryaha xoog lagu heysan jiray”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 4, 2016: Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, ayaa sheegay inay dhamaatay waqtigii xoog lagu hyesan jiray guryaha iyo hantida shacabka, kadib markii maamulka Gobolka Banaadir uu shalay ku wareejiyay Haweeney muddo 20-sano gurigeeda xoog loogu heystay.

Yuusuf Jimcaale ayaa sheegay in maamulkiisa uu garab taagan yahay dadka dulmanayaasha ah, isla markaana aanay marnaba aqbali doonin in la handado.

“Maalin kasta dadkeena si macno darro ayaa loo dilayaa, si macno darro ayaa hantidooda loo boobayaa, maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu garab taagan yahay dadka la dulmiyay”ayuu yiri Guddoomiye Jimcaale.

Yuusuf Jimcaale, ayaa sidoo kale sheegay inay ka hortagi doonaan cid walba oo xoog ku heysata hantida iyo guryaha dadka shacabka ay leeyihiin.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa shalay haweeney gurigeeda xoog looga heystay muddo 20-sano ku wareejiyay, kadib markii laga saaray dadkii mudada xooga ku heystay oo sheegan jiray in ayaga leeyihiin.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Jen. Muungaab ayaa markii u horeysay bilaabay barnaamij hanti u isu celinta iyo hanti celin, iyadoo dad guryahooda xoog looga heystay muddo dib loogu soo celiyay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inay dhamaatay waqtigii xoog lagu hyesan jiray guryaha iyo hantida shacabka, kadib markii maamulka Gobolka Banaadir uu shalay ku wareejiyay Haweeney muddo 20-sano gurigeeda xoog loogu heystay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulkiisa uu garab taagan yahay dadka dulmanayaasha ah, isla markaana aanay marnaba aqbali doonin.

“Maalin kasta dadkeena si macno darro ayaa loo dilayaa, si macno darro ayaa hantidooda loo boobayaa, maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu garab taagan yahay dadka la dulmiyay”ayuu yiri Guddoomiye Jimcaale.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inay ka hortagi doonaan cid walba oo xoog ku heysata hantida iyo guryaha dadka shacabka ay leeyihiin oo marnaba ayna aqbali-doonin.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa shalay haweeney gurigeeda xoog looga heystay muddo 20-sano ku wareejiyay, kadib markii laga saaray dadkii mudada xooga ku heystay guryo aynan lahayn.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment