3618 Views

Ismaaciil D Cusmaan oo loo magacaabay Taliye Kuxigeenka Nabadsugi

Ismaaciil D Cusmaan oo loo magacaabay Taliye Kuxigeenka Nabadsugi
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 5, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa u magacaabay Eng. Ismaaciil Cusmaan in uu noqdoTaliye kuxigeenka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida ee dhinaca Farsamada Tiknoolijiyada.

Inkastoo aan si rasmi ah u helin wareegtada, ayaa ilo ku dhow dhow Eng. Ismaaciil noo xaqiijiyay  magacaabida xilka Taliye kuxigeenka.

Ismaaciil Cusmaan ayaa ka baxay Jaamacadda Machigan ee dalka Mareykanka, waa khabiir dhanka dabagalka aaladaha Tiknooljiyada.

Waxaa uu horay u soo noqday la Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Amniga iyo Tiknoolijiyada, waxaana dadka yaqaan ay sheegeen inuu yahay nin aad ugu fiican Amniga Tiknoolijiyada iyo waxyaabaha la xiriira.

Magacaabidan ayaa ku soo aaday, xilli bishii June uu Madaxweynuhu xilka ka qaaday Taliyihii Hey’adda Nabadsugida C/raxmaan Tuur-Yare, iyadoo xilkaas si KMG loogu magacaabay Jen. C/llaahi Gaafow Maxamud.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment