3498 Views

Kenya oo Ciidankeeda heegan gelisay

Kenya oo Ciidankeeda heegan gelisay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 5, 2016: Ciidamada ammaanka iyo kuwa nabad sugidda ee dalka Kenya ayaa heegan buuxa la geliyey kadib markii sirdoonka dalkaasi ay sheegeen in dalkooda kusoo wajahan yahay weerar aad u xooggan oo loo malaynayo in uu dhawaan ka dhaco wadanka gudihiisa.

Degmooyin badan oo kala duwan ee ka tirsan dalka Kenya, ayaa lagu amray ciidanka ammaanka in ay adkeeyaan amniga ,islamarkaana ay baaraan dadka soo galaya iyo sidoo kale kuwa ka baxaaya.

Dhulka ugu badan oo ciidanka dowladda Kenya heeganka la geliyay ayaa waxaa ka mid ah Jasiirada Lamu ee dalka Kenya ,halkaas oo ay saakay ciidanka kenya ay ka wadaan howlgal balaaran.

Taliyaha Lamu Cabdulaahi Aadan ayaa sheegay in ciidanka ammaanku ay wadaan howlgal ay ku baadigoobayaan dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo lagu tuhmaayo gudaha Lamu.

“ Waxaan na soo gaaray warbixin Sheegaysa in ay Shabaab qorshaynaayeen in ay weerar ka geystaan Lamu, marka ciidanka heegan ayaa la geliyay si layska difaaco weeraradaasi ay soo sheegeen ilaaha Sirdoonka dalkeena” sidaas waxaa yiri taliyaha ciidanka Jasiirada Lamu Cabdulaahi Aadan oo u waramaayay qaar ka mid ah saxaafadda.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment