3645 Views

Madaxweyne Xasan oo ku dhawaaqay arrinta uu fuli-doono waqtiga soo socda

Madaxweyne Xasan oo ku dhawaaqay arrinta uu fuli-doono waqtiga soo socda
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 5, 2016: Madaxweynaha dowladda federalka Xasan Sheekh Max’uud oo xalay ka halayay xaalada guud ee dalka,  ayaa carrabka ku dhiftay qorshihii lagu doonayay isku dhafka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,  Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Dowladdiisu ay wado dadaalka loogu jiro isku dhafka ciidmaada xoogga dalka soomaaliyeed, inkasto ay jiraan  uu yiri caqabado, ka hor yimid qorshahaasi, balse waxa uu uu ka muujiyay madaxweynuhu yididiilo, madama buu yiri qorshahaasi ay ka soo baxeen guulo wax ku ool ah, oo dalka ka hanaqaaday, in kastoo ay weli wax dhimanyihiin.

Dhanka kale waxa uu shegay Madaxweynaha in  howlgalada ay sida wadajirka u samenayaan, ciidmada kala duwan ee amniga dalka, iyo kuwa nabad ilaalinta u jooga soomaliya, ay guulo ka soo hoyeen, dagaalka ay kula jireen alshabab, isago tusaale u soo qatay, duqeymihii, Mareykanka uu ku bur buriyay saldhigyo Al-shabab ay kula hayeen qeybo ka mid ah dalka, kaas oo lagu dilay  hogamiyaaal, iyo dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Intaa ka dib Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya  ayaa baaq u diray, xarakada alshabab oo waxa uu ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka iyo qaraxyada ay dalka ku qal qalinayaa.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Dhallinyarada ku jirta Xarakada Al-shabaab in ay ka mid noqdaan hannaanka Dowladdnimada ee Dalka ku socda.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment