4338 Views

Dagaal ka dhacay degmada Cadaado

Dagaal ka dhacay degmada Cadaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 6, 2016: Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu u dhaxeeyo Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug iyo maleeshiyaad taabacsan Ganacsatada qaadka keena degmada Cadaado.

Ugu yaraan labo ruux ayaa la sheegay inay iska hor imaadka ku dhinteen, halka tiro kalena ku dhaawacmeen kawaas oo an weli an la ogayn tiradooda.

Rasaas culus ayaa laga maqlay xarun ciidamada ku leeyihiin gudaha Cadaado, waxaana rasaasta uu khal khal geliyay shacabka u dabaal degayay Maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay u dhameyn lahaayeen xiisadaas oo Qaad ka billaabatay.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment