3864 Views

Axmed Madoobe oo sheegay In AMISOM Aysan ka adkaan Karin Al-shabaab

Axmed Madoobe oo sheegay In AMISOM Aysan ka adkaan Karin Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 7, 2016: Axmed Madoobe, Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ciidamada shisheeye ee ku sugan dalka in aysan kaligood ka sari karin Al-shabaab

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhiso ciidamo tayo leh sidoo kalena mideysan kuwaas oo hal meel kaga soo wada jeesta ururka Al-shabaab.

Madoobe ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay Al-shabaab ka saari karaan guud ahaan dalka hadii ay helaan Qalab wanaagsan iyo Tababar buuxa, loona dayo howsha ayaga.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa sidoo waxa uu sheegay in dhowaan deegaanada uu ka taliyo maamulka Jubbaland ay ka bilaaban doonaan howlgalllo gaar ah kuwaas oo Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland si looga xuroobo dhibaatadooda.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment