3015 Views

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo ugu baaqay ciidamada Fijignaan dheeraad ah

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo ugu baaqay ciidamada Fijignaan dheeraad ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 7, 2016: Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed, Taliyaha Ciidamada xoogga dalka, ayaa ugu baaqay Ciidamada inay ka feejignaadaan weerarada Al-Shabaab uga imaanaya, iyadoo horay Al-Shabaab weeraro ugu qaaday xeryaha Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, taas oo ahayd fijignaan la’aan.

Taliyaha oo ka hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu wali halkiisu yahay, balse ciidamada looga baahan yahay in saacad walba indhaha ku hayaan dhaq dhaqaaqyada Cadawga sida uu yiri.

“Waxaan farayaa dhammaan Ciidamada xoogga dalka inay ka feejignaadaan weerarada Kooxaha Argagixisada, waa in ay saacad walba indhaha ku hayaan dhaq dhaqaaqyada cadawga”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada xoogga dalka.

Dhanka kale Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay la wareegi doonaan ammaanka dalka, marka Ciidamada AMISOM dalka ka baxaan oo dhici karta goor kasta.

Taliyaha ayaa ugu dambayn ugu hambalyeeyay ciidamada munaasabada ciidul fitriga, waxaana uu u rajeeyay horumar iyo guulo inay ka gaaraan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab iyo cid kasta oo nabad diid ah.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment