2844 Views

Wasaaradda Arimaha Gudaha oo xisaabtan cusub la timid

Wasaaradda Arimaha Gudaha oo xisaabtan cusub la timid
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 7, 2016: Xiddig,Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay billaabeyso la xisaabtan sida uu hadalka u dhigay, balse an la ogeeyn ujeedadiisa hoose.

Waxaa uu sheegay Mudane Xiddig,in Hay’adaha Dowladda,kuwa maamul Goboleedyada iyo xitaa Dadka Soomaaliyeed ay Wasaaradda la xisaabtameyso,waxaaan uu intaa ku daray in howshani ay tahay mid ay leedahay Wasaaradda arrimaha gudaha, lakin ma jiro qoob uu u cuskaday arrintas.

Dhanka kale Wasiir Xiddig,waxaa uu Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ugu baaqay in ay la yimaadaan horumar iyo qorshe wax loogu qabanayo dadka deggan Muqdisho oo ay iyaga mas’uulka ka yihiin,waxaana uu intaa raaciyay in Gobolka uu hoostago Wasaaradda arrimaha gudaha islamarkaana uu galayo la xisaabtanka ay billaabeyso Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya muddo dhow.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment