7416 Views

DHISMAHA ISBITAALKA HOOYADA & DHALLAANKA (MCH) EE DEEGAANKA WARJIROW

DHISMAHA ISBITAALKA HOOYADA & DHALLAANKA (MCH) EE DEEGAANKA WARJIROW
____________________________________________________________________________

Balcad, 9th July 2016 – Munaasabad ballaaran oo lagu dhagax dhigayay mashruuca dhismaha Isbitaalka xanaanada Hooyada iyo Dhallaanka, kaas oo laga hirgalin doono dhowaan deegaanka Warjirow oo ka tirsan Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa lagu qabtay Warjirow shalayto oo maalin Jimca ah ahayd.Waxaana ka soo qayb galay munaasabadaas xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mas’uuliin ka kala socda Gobolada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe, odayaal dhaqameedyo ,marti sharaf kale iyo dadweyne aad u fara badan.

warjirow-hospital-2

Waxaana ugu horreyn halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Balcad Mudane Maxamuud Maxamed Saneey oo carabaabay inuu hirgalinta mashruucan wax weyn ka tari doono daboolida baahida ay dadka deegaanka u-qabaan ka haqab-tirka adeegyada Caafimaadka, gaar ahaana xanaaneynta hooyada iyo dhalaanka , iyo guud ahaan daryeelida caafimaadka bulshada deegaanka iyo u-fidinta hawlaha gargaarka degdega ah.

warjirow-hospital-3

Guddoomiyaha Degmada Balcad Mudane Maxamuud Maxamed Saneey wuxuu sidoo kale si gaar ah oo qiimo badan u-xusay Maama Gacalo Cali Saalax oo si deeqsinimo ah u-bixisay dhulka laga hiragalinayo mashruucan MCH-ka Warjirow, sidii ay hada ka horba ugu deeqday dhul laga hirgaliyayDugsiga Hoose Dhexe ee Warjirow, Dugsiga barashada Quraanka Kariimka ah iyo Ceelka Biyaha Warjirow.Ugaaska Wac-buudhan Abgaal Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa isna si aad ah u-soo dhoweeyay hirgalinta Mashruucan, isagoo ku tilmaamay guul u-soo hoyatay shacabka ku dhaqan deegaanka Warjirow.

warjirow-hospital-4

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir ayaa iyana xustay dowrka uu Dugsiga Hoose-Dhexe ee Warjirow kaga jiro taaba-galka tacliinta dhalinta deegaanka iyo heerka wacan oo ay hada ka gaareen waxbarashada oo runtii ah wax lagu farxo, iyadoo si gaar ah ugu mahad celisay Marwo Liin Xasan Maxamed iyo intii kale ee garabka ku siisay furitaanka Dugsiga Hoose/Dhexe ee Warjirow, iyadoo sheegtay inay Liin istaahisho in taalo loo dhiso.

warjirow-hospital-5

Ugu Danbeyntii Xildhibaan Qaasim Cali Nuur ayaa isna dhinaciisa ku baaqay sida loogu baahan yahay in cid walba ay qaybteeda ka qaadato marka ay timaado horumarinta bulshada guud ahaan, gaar ahaana in tixgelin la siiyo qiimaha uu mashruucan cisbitaalka ah ugu fadhiyo deegaanka, sidaas awgeedna loo baahan yahay in loo dhiso wadada ku-xirta deegaanka jidka u dhaxeeya magaala madaxda Muqdisho iyo Balcad oo muhiim u-ah hawlaha caafimaadka. Wuxuu Xildhibaan Qaasim Cali Nuur munaasabadaas ka caddeeyay inuu ugu tabarucay hal bil mushaarkiisa musharuuca dhismaha wadada ku xirta deegaanka jidka Muqdisha, isagoo ganacsatada iyo dadka wax ku oolka ah ka dalbaday inay iyana kaalintooda ka soo baxaan, sida ay xubnaha ka soo jeeda deegaanka iyaba isugu taxalujiyeen fulinta mashaariicda horumarineed ee Warjirow laga hirgaliyay.

warjirow-hospital-6

Xafladda dhagax-dhigga MCH-ka Warjirow oo ay ka soo qayb qaateen Ururka SAAD,waxay ku dhacday jawi aad u sareeya iyo nidaam hufan iyadoo marti-soor heer sare ah lagu soo dhoweeyay madaxdii ka soo qayb gashay munaasabadaas, iyadoo ay xusid mudnayd inay ahayd maalin Jimco ah oo kamid ahayd maalmaha loo dabaaldegayay Ciidda Soonfureed ee Ciidul-Fidriga.

warjirow-hospital-7

.

.

Sources: By Banadir.com

__________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment