3405 Views

Mid ka mid odyaashii soo xulay Baarlamaanka oo dil ka baxsaday

Mid ka mid odyaashii soo xulay Baarlamaanka oo dil ka baxsaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 9, 2016:  Maxamed Xasan Qalinle oo ka mid ah Odayaashii dhaqanka ee soo xulay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe ka bad baaday isku day la doonayay in lagu dilo, kadib markii gaarigiisa loogu xiray qarax.

Nabadoon Qalinle ayaa ka bad baaday qaraxa loogu xiro gaarigiisa, xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaal degmada Waabari

Maxamed Xasan Qalinle ayaa sheegay in uusan ogeyn halka loogu soo xiray, balse mar kaliya uu maqlay qaraxa, isagoo gurigiisa ku jiray.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska Col. Bishaar Abshir Geeddi ayaa sheegay in qaraxa aanu wax khasaare ah uusan geysan, isla markaana nabadoonka uu bad-qabo.

Waxaa uu sheegay in laga feejignaado baabuurta la dhigto banaanka oo ay suura gal tahay in waxyaabaha qarxa loogu xiro ayada oo an laga war qabin.

Dhowaanahan ayaa waxaa ku soo kordhayay magaalada Muqdisho qaraxyada magnada leh ee lagu dhejiyi baabuurta, kaasoo dad dhowr ah lagu dilay, ayada oo an la ogeeyn sababta.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment