5766 Views

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 09 July 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Mashaariic laga hirgeliyey Degmada Wanleweyn, Ciidanka XDS oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Bay, Wasiirka Cusub ee Caafimaadka iyo Waxbarashada oo xilalkoodii la wareegay, Deeq Daawo ah oo la gaarsiiyey shacabka Gobolka Hiiraan, Hay’adaha Amniga oo qabtay Gaari Walxaha Qarxa saarnaayeen, Wasaarada Arrimaha Gudaha oo Deeq Raashin ah gaarsiisey Kismaayo, Madaxweynaha Puntland oo isbedel ku sameeyey maamulka Gobolka Mudug Ciidanka Booliska GalMudug oo tababar loo furay, Todobaadka Xoriyada ee 26 June iyo 1 July oo si weyn looga xusay Soomaaliya, In ka badan 160 Maxbuus oo cafis loo fidiyey fadliga Ciidul fitriga iyo todobaadka xoriyadda, iyo Xarumaha agoonta oo daryeel la gaarsiiyey.

Mashaariic laga hirgeliyey Degmada Wanleweyn

weekly8

Maamulka Koofur-Galbeed ee Soomaaliya iyo maamulka demada Wanlaweyn ayaa degmadaas 5tii July 2016 ka fuliyey mashaariic ku saabsan sidii horumarin loogu sameyn lahaa adeegyada bulshada degmada Walaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose. Howlaha horumarinta ayaa waxaa ka mid ah dhismaha suuq ay ku ganacsadaan shacabka Wanlaweyn, leyrar cadceeda ku shaqeeya, dhismaha xarumaha mamaulka iyo goobaha kale ee muhiimka ah. Yuusuf Cali Buule, oo ah ku simaha Gudomiyaha ahna Guddomiye ku xigeenka dhanka amniga degmadaasi oo ka hadalaya munaasabadaasi xariga looga jarayay mashaariicdan ayaa uga mahadceliyaya dowlada Norway kaalinta ay ka qaadanayso horumarka bulshada. Degmada Walaweyn oo kamid ah degmooyinka uu sida aadka ah u saameyey burburka ayaa waxaa in mudo ah ka jirtay baahiyo dhanka bulshada, waxaana talaabadan ay tahay mid wax weyn ku soo kordhin doonta horumarka bulshada degmadaas.

Ciidanka XDS oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Bay

weekly5

Ciidanka XDS Iyo kuwa Booliiska gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koofur-Galbeed Soomaaliya ayaa 4tii July 2016 la wareegay deegaano dhowr ah oo ka wada tirsan gobolka Bay kadib markii ciidamada wadajirka ah ay sameeyeen howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. Deegaanada ay ciidamada la wareegeen ayaa waxaa kamid ah Balaw, Keerow, Malaaq iyo kuwo kale oo ahaa meelaha Al-Shabaab ay ku dhibaateynayeen dadka shacabka ah. Howlgalka lagu qaaday deegaanadan ayaa waxaa ay ka dambeysay markii guddiga nabadgeliyadda gobolada koofur galbeed ay shir ay wada yeesheen isla markaana go’aamiyeen in howlgal lagu qaado goobahaas. Dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada laga saaraya Al-shabaab ayaa wajigooda laga dheehanayay sida ay ugu faraxsan yihiin in ay dhibaatada kooxdaas laga dulqaado.

Wasiirka Cusub ee Caafimaadka oo xilkii la wareegay

weekly3

3dii July 2016 ayaa xaflad xilwareejin ah ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu xilka kula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaarada Caafimadka Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur. Xafladka xilwareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Cadaalada ahaana ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Wasaarada caafimadka. Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) oo kulanka xilwareejinta ka hadlay, ayaa bogaadiyay howshii Qaranka Soomaaliyeed ay u soo qabatay Marwo Xaawa Xasan Maxamed, isagoo sidoo kalana Wasiirka Cusub ee Xilka la wareegay kula dar-daarmay in uu guto shaqadiisa si ay ku jirto daacadnimo iyo hufnaan, waxuuna sheegay inay jiri doonto isla xisaabtan dhab ah.

Deeq Daawo ah oo la gaarsiiyey shacabka Gobolka Hiiraan

weekly6

Ciidamada walaalaha Jabuuti ee AMISOM ayaa 3dii July 2016 Deeq Daawo ah gaarsiiyay maamulka Gobolka Hiiraan. Taliyaha Ciidamada Jabuuti Col. Jaamac Xasan ayaa deeqdan dawada ah ku wareejiyay guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim. Gudoomiye ku xigeenka gobolkaasi Maxamed Ibraahin ayaa sheegay in shixnadan daawada ah la soo gaarsiiyay xili munaasib ah islamarkaana maamulku uu u baahnaa maadaama gobolka ay soo wajaheen dhibaatooyin xagga caafimaadka ah oo ay sababeen fatahaadaha. Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiraan ayaa dowladda Jabuuti ku ammaanay sida ay u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Hiiraan.

Hay’adaha Amniga oo qabtay Gaari Walxaha Qarxa saarnaayeen

weekly5

Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa 3dii July 2016 xaafadda Saybiyaano ee Degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku qabtay gaari ay saaranyihiin Hub iyo Walxaha Qarxa, kaas oo argagixisada Al-shabaab ay doonayeen in ay ku gumaadaan Shacabka Soomaaliyeed. Afhayeenka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa sheegay in gaariga la qabtay ay saarnaayeen xabadaha Baasuukaha, Laba qori oo AK47 ah, Boolal loogu talagalay marka uu gaarigu qarxo in uu dadka waxyeello baahsan gaarsiiyo iyo qalab kale oo ay u adeegsadaan qaraxyada. Wuxuu tilmaamay in ciidamada Hey’adda NISA ay markiiba ay qaraxa ka fureen gaarigaasi, isagoo xusay in qabashada gaarigan ay gacan ka geysteen shacabka ku nool xaafaddaasi.

Wasiirka cusub ee Wasaarada Waxbarashada oo xilkii la wareegay

weekly011

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa 2dii July 2016 la wareegay xilka Wasaaradda, waxaana munaasabadda Xil-wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Maamulka Wasaaradda Waxbarashada iyo marti sharaf kale. Wasiiru dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/laahi Bile Nuur ayaa ku wareejiyey warqadaha shaqada ee Wasaaradda Wasiirka Cusub, waxana uu faah-faahin ka bixiyey waxyaabihii u soo qabsoomay mudadii ay xilka haysay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Khadar Bashiir Cali. Wasiirka Caddaaladda Mudane C/laahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir oo ku hadlayay magaca Xukuumadda ayaa hambalyo u direy Wasiirka Cusub, wuxuna Alle uga baryey in shaqadiisa u fududeeyo. Ugu danbeyn, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa mahadcelin u jeediyey Wasiirkii hore ee Waxbarashada, isagoo xusay in uu halkaa ka sii wadi doono shaqada Wasaaradda, isla markaana ka rajeynayo in shacabka Soomaaliyeed ay kala shaqeyn doonaan kor u qaadista Waxbarashada dalka.

Wasaarada Arrimaha Gudaha oo Deeq Raashin ah gaarsiisey Kismaayo

weekly4

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa 2dii July 2016 Deeq raashin ah gaarsiisay dekedda magaalada kismaayo, ee xarunta Jubbada Hoose iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland. Deeqdan ayaa waxaa Gudoomay Maareeyaha Dekeda Kismaayo Mudane Axmed Xaaji Aadan. Raashinkaan ayaa waxa ku deeqday Dowladda Turkiga iyada oo la soo marsiiyay Wasaarradda Arrimaha Gudaha iyo Faderaalka Xukuumadda Soomaaliya. Maareeyaha Dekada Kismaayo Mudane Axmed Xaaji Aadan ayaa uga mahad celiyay Wasaarada iyo Dalka Turkiga Deeqadaan, wuxuuna sheegay in raashinkaan la gaarsiin doono dadka masaakiinta ah oo ay u qeybin doonaan sidii loogu talagalay.

Madaxweynaha Puntland oo isbedel ku sameeyey maamulka Gobolka Mudug

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 4tii July 2016 isbedel ku sameeyay maamulka Gobolka Mudug, kan Gaalkacyo iyo sidoo kale taliska booliiska gobolkaasi. Madaxweynaha ayaa magacaabay guddoomiye ku xigeennada Gobolka Mudug, guddoomiyaha KMG ee magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale taliyaha Booliiska gobolkaasi iyo ku xigeenkiisa. Sidoo kale Gaas ayaa kala diray golaha deegaanka Gaalkacyo, waxaana wareegto uu soo saaray amar ku bixiyey in muddo 7 cisho gudahooda ah lagu soo dhiso xubno cusub oo gole deegaan ah. Madaxweyne Gaas ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, waxaana shacabka magaaladaasi uu la lahaa wada tashi ballaaran, kadib amniga Gaalkacyo oo faraha ka baxay.

Ciidanka Booliska GalMudug oo tababar loo furay

weekly00

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa 30kii June 2016 tababar u furay boolis cusub oo ay yeelan doonto Dowlad Goboleedka GalMudug oo tiradoodu tahay 400 oo askari oo 60 kamid ahna ay yihiin gabdho. Ciidamdaan oo halku dhig looga dhigay Dulmi-diid ayaa munaasabada waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socota Saraakiisha Ciidanka Booliska Somaliyeed oo uu hogaaminayo Taliyaha Tabbarada iyo Qorsheynta Booliska Soomaliyeed Genaral Dhoore, Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Goboleedka Galmudug, Wasiirada, Xildhibaanada dowlad Goboleedka Galmudug iyo maamulka Degmada Cadaado. Ugu horeeyn waxaa munaasabada furay Gudoomiyaha degmada Cadaado Cabdulaahi Cabdiraxmaan Xuseen Tootoole asagoona ka hadlay sida degmada cadaado ay iskugu xil qaabtay garab istaaga dhismaha ciidamada dowlada Galmudug iyo sida shacabka degmada cadaado ula shaqeeyeen dowlada. Taliyaha Tababarada iyo Qorsheynta Booliska Soomaliyeed Genaral Dhoore ayaa sheegay in Dowlada Soomaliyeed ay u taagantahay dhisitaanka ciidanka Booliska Soomaliyeed olalaha lagu xoojinayo booliskana uu ka socdo dhamaan dowlad goboleedyada dalka ayna dowlada diyaar utahay sidii loo abuurin lahaa midnamda ciidanka Soomaliya, waxaana fariin idinkaga sidaa taliyaha ciidanka booliska soomaliya Sareeye Gaas Maxamed sh Xasan Maamud waxaad u jeedaan in ciidankan maanta uu diyaar uyahay in ay bulshada u adeegaan waxaana u diyaarinay macalimiin tababara ciidan kaan oo hortiina jooga booliska Soomaliyeed 2017 waxaa la qorsheynaa in laga waayo askari aan wax qorinkarin waayo askarigii aan wax qorin Karin kama mid noqondoono ciidanka booliska soomaliyeed.

Todobaadka Xoriyada ee 26 June iyo 1 July oo si weyn looga xusay Soomaaliya

weekly01

Madaxweynaha Somalia mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa ka qeybgalay calansaarkii 26kii June iyo kii 1da Luulyo oo uu weliba ubax dhigay xarunta SYL ee Muqdisho. Sanadkan ayaa maalmaha xoriyadda si weyn looga xusay dalka oo dhan, tanoo ku timid dadaalkii dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay shacabka Soomaaliyeed u abuurtay jawi xasiloon oo ay ku damaashaadi karaan. Dowladda Federaalka ahmiyad weyn bey siineysaa in shacabka Soomaaliyeed ay ka howlgalaan midnimada iyo wadajirka shacabka oo aasaas u ah horumarka dalka.

In ka badan 160 Maxbuus oo cafis loo fidiyey fadliga Ciidul fitriga iyo todobaadka xoriyadda

weekly9

Munaasabadaha Xoriyadda ee 26ka June iyo 1da Luulyo iyo Ciidul Fitriga awgiis ayaa maxaabiis badan xabsiyada laga sii daayey oo kor u dhaafay 160 maxbuus, kuwaas oo dhameystay mashaariic dhaqancelin ah oo la doonayo inay noqdaan muwaadiniin wanaagsan oo u adeega dalkooda iyo dadkooda isla markaasna ka qeybqaata nabdeynta dalka. Maxaabiistan ayaa laga sii daayey Puntland, GalMudug, Shabeelaha Dhexe iyo Muqdisho.

Xarumaha agoonta oo daryeel la gaarsiiyey

5 xarumood oo lagu xanaaneeyo carruurta agoonta iyo kuwa darbijiifka ah ayaa munaasabada Ciida awgeed la gaarsiiyey gar-gaar bani’aadanimo oo isagu jira dhar ciid, cunto iyo alaabooyinka caruurtu ku ciido. Ujeedada gar-gaarkan ayaa aheyd in Dowladda Federaalka ay u horseedo shacabka inay is kaashadaan oo ay isu gar-gaaraan.

weekly1.

.

.

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment