3237 Views

Dibadbax, berri, ka dhici doona Muqdisho (gees ka gees.)

Dibadbax, berri, ka dhici doona Muqdisho (gees ka gees.)
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 10, 2016: Hay’ada Culimada Soomaaliyeed, ayaa Maalinta Isniinta ah ku Baaqday banaanbax looga soo horjeedo weerarkii lagu qaaday masaajidka Nabigeena Maxamed (NNKH). Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale si weyn u cambaareysay weerarkaasi.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka xun yihiin weerarkii lagu qaaday dhulka barakaysan Sacuudi carabiya.

Sheekh Bashiir ayaa sidoo kale sheegay in dadka muslimiinta ah looga baahanyahay in ay muujiyaan shucuurtooda ku aadan dhacdii ka dhacday dalka Sacuudi Carabiya.

In kastoo an lagu soo aadin waqtigi la rabay, hadana Culumadu waxay doonaysaa in ay muujiso dareenka shacabka Somaaliyeed oo inta badan Muslimiin ah.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment