3171 Views

Golaha Wasiirada oo taageerey Baaqii Culima’udiinka ee looga soo Horjeeday weerarkii Magaalada Barakaysan ee Madiina.

Golaha Wasiirada oo taageerey Baaqii Culima’udiinka ee looga soo Horjeeday weerarkii Magaalada Barakaysan ee Madiina.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 10, 2016 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan gaar ah, waxaana kulanka shir gudoominayay Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxana ay Goluhu si adag ugu canbaareeyeen ficilkii argagixisada ahaa ee kooxaha diinlaawayaasha ahi ay ku qaadeen Masjidka Nabawiga ee Magaalada barkaysan ee Madiina.

Goluhu Xukuumaddu waxay tacsi u direen guud ahaan Caalamka Islaamka, gaar ahaan dawladda Boqortooyada Sucuudiga, iyagoo uga tacsiyeeyay ficilkii bahalnimada ahaa ee lagu qaaday goobaha barakaysan ee Islaamka.

Xukuumada Federaalka Soomaliya waxay taageereen baaqii shalay ay soo saareen Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo ay kaga soo hor jeesteen falkaa waxashinimada ahaa ee lagu beegsadey Masjidka barakaysan ee Nabawiga .

golaha-wasiirada-taageer-culimada-1 golaha-wasiirada-taageer-culimada-2 golaha-wasiirada-taageer-culimada-3 golaha-wasiirada-taageer-culimada-4 golaha-wasiirada-taageer-culimada-5

.

.

.

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment