2805 Views

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo ballan qaaday in Maxaabiista ka caawin-doono dhanka Racfaanka

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Banaadir  oo ballan qaaday in Maxaabiista ka caawin-doono dhanka Racfaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 10, 2016: Dr Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe, oo ah  Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, ayaa Booqday Xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar G/Sare Maxamed Xirsiile iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Asluubta ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha, ayaa mid mid u kormeeray qeybaha  uu ka kooban yahay Xabsiga dhexe, isagoo Xog wareystay Xukumane-yaasha ku xir xiran Xabsiga dhexe ee Xamar, si uu u ogaado hadii ay jiraan dad si qaldan loo xukumay lagana caawiyo in Racfaan ay ka qaataan Xukunkii hore loogu riday.

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe,  ayaa u sheegay Maxaabiista uu la kulmay in uu ka caawin doonno sidii Racfaan ay u qaadan lahaayeen hadii ay jiraan Dhaliilo ay tabanayaan, waxaana isaga iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay ballan qaadeen in ay bixin doonaan Maxaabiis mudo u xiran Lacago loo heysto.

Gudoomiyaha ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta ku ammaanay sida uu Mas’uuliyad gaar ah isaga saaray Nolosha Maxaabiista Xabisga dhexe ee Xamar ku xiran, isagoo bogaadiyey Howlaha Horumarineed  ee ka socota Gudaha Xabsiga.

Gudoomiyaha Maxkmadda Racfaanka Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe, ayaa booqday Warshadda Farsamada iyo Tababarka Maxaabiista, halkaasina waxa uu ku soo  arkay Maxaabiis shaqeeneysa oo soo saareysa Agabyo kala duwan oo u badan qalab Xafiiseedka iyo waxyaaba kale oo kala duwan.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment