3264 Views

“Hubka oo aan xakameysneyn iyo ciidamada oo xerooyin laheyn Amni darada ayay qeyb ka yihiin”

“Hubka oo aan xakameysneyn iyo ciidamada oo xerooyin laheyn Amni darada ayay qeyb ka yihiin”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 10, 2016:Yuusuf Xuseen Jimcaale  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa sheegay in amni darada iyo weerarada qaar ee Al-Shabaab ka fuliyaan magaalada Muqdisho ay sabab u tahay Hubka oo aan xakameysneyn iyo ciidamada hubeysan ee ka yimaada furimaha oo aan laheyn xerooyin loo yaqaanno.

Gudoomiyaha oo wareysi siinayay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isu ekeysiiyaan ciidamada, xilliyada ay weerarada fulinayaan ama ay jidadka ay marayaan.

“Ciidamada Milateriga ee furimaha aadayay iyo kuwii ka soo laabtay intaba ayaa soo galaya magaalada, dalalka qaarna sidan wey ka dhacdaa maadaama dalka uu ku jiro xaalad dagaal, wey adag tahay marka in la xakameeyo hubka”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxaa kale uu sheegay in xerooyinkii ciidamada lagu xareyn lahaa ay bur bureen, taasna ay keeneyso marka ciidamada ay furimaha ka soo laabtaan inay magaalada gudaheeda soo galaan.

Waxaa uu sheegay in baabuurta hubeysan ee magaalada mara aan la baarin, taasna ay keeni karto in askarta tuutaha wadata la isu ekeysiiyo, sidaasna Al-Shabaab ugu soo gambadaan sida uu yiri balse, ma uusan sheegin Gudoomiyaha cidda Shabaab tuutaha siisa.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraradii ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxay isu ekeysiiyeen sida ciidamada dowladda, iyagoo xirnaa dareyska ciidamada.

In kastoo Gudoomiyaha farta ku fiiqay arrinta jirta, haddana xal uma haayo sida looga bixi lahaa arrintaas.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment