3123 Views

Maamulka Puntland oo sheegay in 50% dilalka ka dhaca Gaalkacyo aanay ahayn fal Al-Shabaab ku lug laheyn

Maamulka Puntland oo sheegay in 50% dilalka ka dhaca Gaalkacyo aanay ahayn fal Al-Shabaab ku lug laheyn
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 10, 2016: Maamulka Puntland ayaa sheegay in dilalka iyo amni darada ka jira magaalada Gaalkacyo aanay 50% Al-Shabaab wax lug ah ku laheyn, kadib markii bishii hore waqooyiga Gaalkacyo lagu dilay dad dhowr ah oo kala duwan.

C/qaadir Shire Faarax Ereg oo ahTaliyaha Booliska Puntland, ayaa sheegay in waxa ka socda Gaalkacyo ay yihiin barakicin oo la doonayo in dadka waxgalka ah lagu laayo, si guryahooda looga barakiciyo oo lagala wareego.

“Dilalka Gaalkacyo ka dhaca 50% Al-Shabaab kuma lug lahan, , waxaa leeyahay kuwa wax laaya Al-Shabaab kaliya ma ahan, Gaalkacyo waxaa ka socda waa barakicin, hadii gurigaaga lagaa saaro waa nasiibkaa, Shabaab ma ahan waxa guryihiina idinka saaraya”ayuu yiri Taliyaha Booliska Puntland.

Taliyaha waxaa uu ugu baaqay bulshada ku dhaqan Gaalkacyo inay guryahooda ilaashadaan, waxaana uu xusay in loo baahan yahay in dadka aanay cabsan oo ay soo sheegaan kooxaha dilalka ka dambeeya, kuwaas oo Taliyaha Booliiska Puntland ka gaabsaday in uu tifaf-tiro.

Magaalada Gaalkacyo oo u qeybsan labo dhinac, Waqooyi iyo Koofur ayaa waxaa ka kala arimiya maamulo hoos taga Puntland iyo Galmudug, kuwaasoo sanadkii la soo dhaafay labada dhinac dagaalo ku dhex maray, balse xal wanaagsan laga gaaray oo labada dhinac ay ku heshiiyeen.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment