3381 Views

Dowlada Soomaaliya oo fariin u dirtay Sharikadaha Dhismaha

Dowlada Soomaaliya oo fariin u dirtay Sharikadaha Dhismaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 11, 2016: Wasaarada howlaha guud ee dowladda Soomaaliya ayaa muddo kooban u qabatay Shirkadaha Dhismaha ee ka howlgala dalka Soomaaliya, in ay iska soo diwaan geliyaan wasaarada si deg-deg ah.

Mudane Salaax Sheekh Xuseen, Wasiirka wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska ee dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la xisaabtanto shirkadaha dhismaha ka shaqeeya ee ka howlgala gudaha Soomaaliya, ha ahaadaano kuwa ajnabi ah ama kuwa gudaha laga leeyahay.

Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la hubiyo tayada dhismaha dalka sidaas darteedna ay go’aan ku qaaday in ay muhiim tahay in shirkadaha dhismaha ay iska soo diwaan geliyaan wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska, si loola socdo howlaha dhismaha ee ay ka hayaan Waddanka gudihiisa.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment