3432 Views

Madaxweynaha Galmudug oo Nairobi kula kulmay Musharaxiin

Madaxweynaha Galmudug oo Nairobi kula kulmay Musharaxiin
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 11, 2016: C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Galmudug, ayaa xalay kula kulmay magaalada Nairobi Siyaasiyiin iyo Ganacsato ka soo jeeda deegaanada Galmudug, iyadoo kulankan looga hadlay aayaha Galmudug iyo sidii loo taageeri lahaa musharax la isku raacsan yahay.

Kulanka oo markii horeysay, ahaa mid furan oo la isku dhaafsanayay aragtiyo iyo fikrado, ayaa hadana waxaa markii dambe waxaa la iskula hadlay si hoose ah” Qabiil mase Deegaan”, lama oga weli.

Is-aragaan ayaa ka dhacay Hotelka Intercontinental ee magaalada Nairobi, waxaana warbaahinta ka aheyd mid dibad joog ah, kulanka ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah, iyadoo lagu balamay in kulamo kale, si loo xoojiyo midnimada beesha iyo tan Galmudug.

C/kariin Guuleed ayaa balan qaaday inuu taageeri doono Musharax ay beesha uu ka soo jeeda isku soo raacdo ama deegaanada Puntland, isagoo balan qaaday inuu ka shaqeynayo horumarka in kastoo ila hadda an laga haynin.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo xubno horay uga tirsanaa Galmudug.

Sidoo kale waxaa kulanka ka qeyb galay Musharax C/raxmaan C/shakuur iyo Musharaxa reer Mareykanka ah Dr. C/naasir oo horay u dhaliilsanaa dhabaha Madaxweyne Guuleed uu u wado Galmudug iyo Beesha ay labaduba ka soo jeedaan.

Kulanka ayaa waxaa ka maqnaa siyaasiyiin kale oo ka soo horjeeda Maamulka C/kariin Guuleed, kuwaasoo dhowaan Muqdisho kaga dhawaaqay Madasha bad-baadada Galmudug, kadib markii Madaxweyne Guuleed ku dhaliileen in Galmudug uu ka dhigay mid ka mid ah Xafiisyada Villa Somalia ee uu Guleed uu ku tixanyahay.

Lama oga in Madaxweyne Guuleed uu ka furtay saaxibkiisa qadiimiga ahaa, Madaxweyne Xasan Sheekh oo sidoo kale Musharax ah, hadana dad badan ayaa aaminsan inay tani siyaasad noqon karto, siyaasadana aanay saaxib joogto ah laheyn in kastoo Guuleed uu yahay nin Xasan iyo Faarax C/dulkadir ka dab qaato.

sanadkan, September, 2016, ayaa lagu wadaa inay dalka ka dhacaan doorashada Madaxtinimada, iyadoo ay u taagan yihiin musharaxiin fara badan, waxaana maalmahan ku soo qul qulaya magaalada Muqdisho Musharaxiin, waxaa ka mid ah Musharaxiinta ololahooda ka bilaabay Muqdisho Saciid C/llaahi Dani.

Bulshada Somaaliyeed, waxa ay is-weydiinayaan, Axsaabtaan fraha badanne, yaa ansixiyay gormaase Barlamaanka la mariyay? Mase Doorashada ayaa ah Goob Caweys oo qof kastaba ku soo boodayso? Waa Yaab!!

Guuleed-iyo-Musharixiin

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment