3381 Views

Suxufiyiinta Puntland oo dacwad ka gudbiyay Wasiirka Warfaafinta

Suxufiyiinta Puntland oo dacwad ka gudbiyay Wasiirka Warfaafinta
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 11, 2016: Suxufiyiinta ka how gasha Puntland, ayaa dacwad ku furay, Maxamuud Xasan Soo-Cadde,  oo ah Wasiirka Warfaafinta kaasoo bishii la soo dhaafay Suxufiyiinta ugu hanjabayo dil iyo xabad, iyadoo maanta lagu wado in dhageysiga dacwada ka bilaabato Maxkamad ku taal Garowe

Feysal Khaliif Barre,Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP, ayaa sheegay in Wasiirka Warfaafinta uu had iyo jeer ku xadgudubo sharciga, isagoo xusay in xaalada wariyeyaasha Puntland ay khatar iyo halis joogta ah ay ku jirto.

“Waxaan furnay dacwad ka dhan ah wasiirka Warfaafinta Puntland, oo runtii dastuurka iyo sharciga ku tilmaamay waxba kama jiraan, sidoo kale yiri Wariyeyaasha waa dilayaa, xabad ayaa ku dhifanayaa, sidaas darteed khatar ayay ku jritaa xaalada wariyeyaasha Puntland, Maxkamadu waxaa geynay dacwadiisa oo aan uga cabaneyno sida uu sharciga ugu xadgudbay”ayuu yiri Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland Feysal Khaliif Barre.

Sidoo kale waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in Wasiirka uu had iyo jeer saxaafada handadaad iyo caga-jugleyn ku haayo, isla markaana maamulka Puntland aysan waxba ka qabaneyn ayagoo ah meesha arrinta ay mareeyso.

Waxaa uu sheegay in dacwada maanta ka bilaabaneysa Maxkamada Garowe ay rajeynayaan inay ka soo baxdo natiijo wanaagsan

Warbaahinta Puntland ayaa la soo daristay cabsi iyo wal wal badan, kadib markii Maamulka Puntland uu bilaabay caburin, caga-jugleyn iyo xarig, iyadoo bishii la soo dhaafay la xiray Idaacada Daljir, balse markii dambe la sii daayay. Tahdiid weli waa meeshiisi, taas oo nabadda Wareyaasha ay halis ku jirto.

DSC08766-696x392

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment