3483 Views

Goodax: Waxgaradkeena ayaan u hiilinaynaa

Goodax: Waxgaradkeena ayaan u hiilinaynaa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 12, 2016: Xildhibaan C/laahi Goodax Barre, oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay la safan yihiin waxgaradka diiddan shirka Jowhar oo ay ku garab yihiin.

Goodax oo maanta tagey magaalada Baladweyne ayaa sheegay in dowladda ay hagardaamo ku waddo shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne.

Waxa uu tilmaamay in marnaba aanay aqbali doonin in shacabka Hiiraan la yaso, islamarkaana lagu sameeyo wax aanay u qalmin, isaga oo hoosta ka xariiqay in xildhibaannada reer Hiiraan ay waxgaradkooda ku go’aan yihiin.

Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay in haddii ay wanaag doonayso ay kasoo laabato qalad uu sheegay in laga galay Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo si yastin ah loola dhaqmay.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment