3210 Views

ICC oo dacwad ka gudbisay Uganda iyo Jabuuti

ICC oo dacwad ka gudbisay Uganda iyo Jabuuti
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 13, 2016: Maxkamada dambiyada caalamiga ee loo yaqaan ICC, ayaa dacwad ka dhan ah Uganda iyo Jabuuti u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, kadib markii ay ku eedeysay inay dalalkaas ku fashilmeen inay soo xiraan Cumar Xasan Al-Bashiir oo ah Madaxweynaha dalka Sudan.

Warbixin ku saabsan dacwada labadaas dal ayaa shalay oo Talaado aheyd loo gudbiyay Golaha Ammaanka oo fadhigiisu yahay magaalada New York.

ICC ayaa ku eedeysay dowladaha Uganda iyo Jabuuti inay fulin waayeen amarada Maxkamadda, ayna u hogaansami waayeen heshiiskii ay saxiixeen, kana gaabiyeen fulinta go’aanada Maxkamadda ee dhigayay in la soo xiro Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Dhanka kale, Maxkamadda Caalamiga ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan dalalka Uganda iyo Jabuuti.

Madaxwene Cumar xasan Al-Bashiir ayaa horay u booqday dalalka Uganda iyo Jabuuti, iyadoo booqashadii u dambeeyay uu ku tagay dalka Jabuuti, markii la caleema saarayay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sannadka gudahiisa.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa laga yaabaa inuu cunaqabateyn ku soo rogo dalalka Uganda iyo Jabuuti, waxaana suura gal ah in la saaro xayiraado dhinaca dhaqaalaha ama shaqsiyaad ka tirsan labada dowladood in laga xanibo socdaalka iyo hantidooda.

Maxkamadda ICC ayaa lix sano ka hor soo saartay ruqsad lagu soo xirayo Madaxweyne Al-Bashiir, kadib markii ay ku eedeysay inuu galay dambiyo dagaal iyo xasuuq ka dhan ah dadka Darfur dega.

Tiro gaaraysa 124 dal ayaa xubin ka ah Maxkamadda Caalamiga ee ICC, waxaana dhamaan dalalkaas ay saxiixeen inay fulinayaan amarada Maxkamadda oo la aas aasay sanadkii 2002.

Sanadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii Madaxweyne Al-Bashiir oo ka qeyb galayay shir madaxeedkii Midowga Afrika ee lagu qabtay dalka Koofur Afrika Maxkamad ku taal dalkaas ay ku amartay in uusan dalka ka bixi karin, maadaama dacwad ay ka taalo Maxkamadda ICC, iyadoo Madaxweynaha Sudan uu iska dhega tiray amarka Maxkamadda Koofur Afrika, dibna ugu laabtay dalkiisa.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment