3498 Views

Soomaali Lagu Dilay Kenya

Soomaali Lagu Dilay Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 13, 2016: Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi, ayaa sheegaya in ciidanka ammaanka dalka Kenya ay ku toogteen xaafada Islii laba dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in ay burcad ahaayeen oo dadka dhibay.

Ciidanka ammaanka ayaa soo bandhigay hub lagu soo qabtay dhalinyarada ay toogteen oo la sheegay in ay dhibaato weyn ku hayeen dadka kunool xaafada Islii ee Nairobi

Dhalinyaradan ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen kooxo isku jirta Kenyaan iyo Soomaali oo la magacbaxday Super Power ,kuwaa soo la sheegay in ay  dhac u geysan jireen dadka kunool xaafada Islii.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay ku dabajoogeen dhowr bilood sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggaasi ka dibna ay toogteen.

Madaxda Soomaaliyeed ee kunool Xaafada Islii ayaa horay ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka tanaasulaan falalka xun xun ,waxayna dowladda Kenya ugu baaqeen in ay dhaqan celin u sameyso dhalinyaradaasi falalkas ku kacayo.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment