3828 Views

Dowlada waa inaysan faragelin soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka

Dowlada waa inaysan faragelin soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 15, 2016: Kulan wada tashi ah oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho qaar kamid ah odayasha dhaqanka beelaha Muqdisho ayaa looga hadlay xaaladaha uu dalku ku sugan yahay, gaar ahaan dhinacyada  Siyaasadda, Dhaqaalaha, Maqaamka Muqdisho, Doorshooyinka la Qorsheeyay in 2016-ka ay dhacaan, Musuq-masuqa, Arrimaha Amniga iyo kuwo kale.

Kulanka oo la qorsheeyey in lagu qabto Hotel Maka Al-Mukarama ayaa waxaa is-hortaag ku sameeyay Ciidanka Nabad-sugidda Dowladda, waxaana kulanku si dhuumasho ah uu uga dhacay agagaarka KM-7.

Nabaddoon Abuukar Sheekh Cusmaaan (Abuukar Ganey) oo ka mid ahaa duqeydii ka qeybgashay kulan ayaa sheegay inay doonayaan in ay ka hadlaan masiirka gaar ahaan magaalada Muqdisho: “inagoo ka kooban Waxagarad, Nabdoonno, Siyaasiyiin, Salaadiin, Haween & Dhalinyaro Beesha Hawiye waxaan go’ansanay inaan ka hadalno masiirkeena gaar ahaan Maqaamka  Magaalada Muqdisho, nasiib daro taasu ma dhicin waxaana nakala eryey ciidanka Nabad-sugidda Soomaliya, sidaad aad arkaysaana waxan kulankeena ku qabnaynaa meeshaan laga qaxay waxaan taas na baday Ciidanka Dowladda oo ah wiilasheenii, mana ahan mid la isaga harayo.”

Waxaa kaloo kulanka ka hadlay – Ugaas Muxyadiin Xasan Axmed oo isna yiri. “Waxaa ayaan-darro ah in maanta naloo diido inaaan ka hadalno Maqaamka Muqdisho taas oo aynaan cidna marti ugu ahayn Waxaaana  noo diidey Ciidamada nabad Sugidda oo amar ka haysta Madaxtooyda dalka, Taasuna ma ah mid loo dul qaadan karo waxaan codsanayna in arintaas raali gelin laga baxiyo.”

Wuxuu kaloo intaa ku daray. “Waxaa nasiib-daro ah in la dhaho Hotel Maka Al-mukarama waxaa laga helay qarax balse, Qaraxaasi wax jira ma aha, qaraxa waa Anaga; Waxaan uga baaqayaa ciidanka lasoo marin habaabiyey in ay wax waliba ka fiirasdaan oo ay ka foojig-naadaan beenta la dhoo-dhoobay.“

Waxaa kaloo kulankaan ka hadlay Nabaddoon Jimcaale Maxamed Nuur oo yiri. “Waxaanu u sheegayna Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud in aan sidaan Madax lagu ahaan karin, waana laga daalay mana Aq-balayno waxay calaamad weyn u tahay inuu dhamaaday xilkii aad u haysay Ummadda Soomaaliyeed maadaama aad ka hor timid Wax-garadkii Madaxda ka dhigay.”

Axmed Cali C/raxmaan oo isagana Madasha ka Hadlay ayaa yiri. “Dowladdii Kacaanka ayaan caburin ka diidnay haddana ma aqbali karno waxaad og-tihiin halkii uu ku dambeeyay, yaan nalagu qasbin inaan dhibaato gaysano, Waxaana sheegaynaa inaan Cidna marti uga ahayn Muqdisho, Maqamkeedana inaga ka tashanyna.”

Ugu dambeyn, Waxaa kulanka laga soo saaray qodobo loo diray dowladda FS iyo Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka; Waxaan u Akhriyey Warbaahinta – C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere).

  1. Dowladdu waa inay ka waan-toowdo ku takri falka awood oo ay ku caan baxday 2. Inay joojiso marin habaabinta Geedi socodka Doorashooyinka
  2. Inay joojiso faragelinta ay ku hayso xulshada ergooyinka beelaha una ogolaato inay si xor ah isku doortaan.
  3. Inay ka Waantoowdo u adeegsiga Hantida Qaranka Dan Siyaasadeed
  4. Shacabka Soomaaliyeed waa inuu u is-taagaan difaacida Qarannimada, Madax-baannida iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
  5. Ummaddda Soomaaliyeed waxaan ku boorrinaynaa inay meel uga soo Wada-jeestaan badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed.
  6. Beesha Caalamka waxaan ugu baaqeynaa inay dhexdhexaad ka noqoto arrimaha Soomaalida, dhegeystaana codka Shacabka Soomaaliyeed.
  7. Waxaan kaloo Beesha Caalamka weydiisanaynaa in aysan xaq-darro ku taageerin Hoggaanka Dalka.
  8. Waxaan ugu baaqayaa Beesha Caalamka inay ka hor-istaagaan madaxda Dalka ku takri-falka awoodeed iyo fara-gelinta Qaawan ee ay ku hayso Doorashooyinka.

Waxaa dadka Reer Muqdisho is weeydiinayaan in odayaashaan ay mitilaan Beesha Hawiye iyo in ay yihiin niman iska Qaraab doon ah.

Hadalkooda waxaa ka mid ahaa in Dowlada ka doonayaan in ay Raalli gelin ka bixiso joojinti Kulanki ka dhici lahaa Hotelka Makka-Almukarrama, kaaso ciidamada Nabad-sugida ay ka hor istaageen ayaga oo eegaya nabad gelyada Odayaasha, ka dib marka NISA ay qabatay gaari loogu tala-galay in Hotelka iyo Odayaashaba  lagu qarxiyo.

kulan-iyo-baaq-3kulan-iyo-baaq-4

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment