5865 Views

Wasaarada Deegaanka iyo Duurjoogta Puntland oo Gobolka Gardafuu ka Bilowday Olole Balaaran oo lagula dagaalamayo nabaad guurinta dhirta iyo Dhuxusha

Wasaarada Deegaanka iyo Duurjoogta Puntland oo Gobolka Gardafuu ka Bilowday Olole Balaaran oo lagula dagaalamayo nabaad guurinta dhirta iyo Dhuxusha
____________________________________________________________________________

Gardafuul | QOL | July 15, 2016 – Socdaal isugu jirey wacyigelin, & hawlgal lagula dagaalamayey nabaad guurinta dhirta & gubista dhuxusha ayaa masuuliyiinta guddiga wasaarada Deegaanka Daaqa Dalxiiska iyo Duurjoogta ee Degmada Baargaal iyo maamulka Degmada iyo gobolku Gardafuu ku tageen magaalooyin &
tuulooyin hoos yimaada Degmada Baargaal.

Waftiga oo uu hogaaminayey isuduwaha wasaarada Deegaanka Daaqa Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland ee gobolka gardafuu Mudane saalax Maxamed muuse (Saalax Liisho) ayna kamid ahaayeen, Xoghayaha Degmada Baargaal Siciid Cawil Dhuxul , Taliyaha saldhiga Baargaal Taliye Cabdi jaamac, Xubnaha gudiga deegaanka, Cuqaal, & bahda Saxaafada ayaa waxy shirwayne ku saabsan wacyigalinta bulshada iyo xakamaynta nabaad guurinta dhirta & gubista dhuxusha ku qabteen magaalada Taageer.

Shirwaynaahaas oo ayay Gudiga Deegaanka Iyo hawlwadeenada wasaarada Deegaanka Puntland kula shireen qaybaha kala duwan ee bulshada Deegaanka halkaasoo ay kala hadleen sidii deegaanadaas looga suulin lahaa gubista dhuxusha oo meela badan guddigu indhahooda ku soo arkeen dhibaatada balaaran ee loo gaysanaayo Deegaanka iyo xaalufka iyo nabaad guurka ka socda ayagoo arintaasi ku tilmaamay misiibo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto

Waxgaradka, & odayaasha ka soo qayb galay shirkan ayaa iyaguna dhankooda soo dhoweeyey socdaalka waftigan ayagoo ku amaanay wasaaradda Deegaanka iyo duurjoogta puntland wacyigelinta ay wado iyo sida ay ugu hawlantahay wax Ka qabashadda deegaanka gaar ahaan joojinta dhuxusha ayagoo ugu baaqay inay gacan ficil ka geystaan sidii wax looga qaban lahaa la dagaalanka Dhuxusha & nabaad guurinta dhirta.

Gabagabadii shirwaynahan ayaa waxaa ka qaybgalayasha shirka oo kala matalaayay Bulshada qaybeheeda kala duwan iyo maamulka Degmada iyo Guddiga ilaalinta deegaanka ay ku heshiiyeen qodobo dhawr ah oo isugu jira ganaax lacageed iyo xabsi ciddii lagu qabto Ka ganacsiga Dhuxusha, Jarista Dhirta qoyan iyo wax walba oo dhibaato u gaysanaaya Deegaanka laga bilaabo marka ay taariikhdu tahay 20/7/2016 , ayagoo Dadka Caadaystay hawlaha noocaas ah ugu baaqay in ay Kawaantoobaan inta ka horaysa taariikhdaas .

Ugu danbayntii maamulka Degmada Baargaal oo ay weheliyaan xubnaha gudiga ilaalinta deegaanka ee wasaarada deegaanka daaqa iyo duurjoogta iyo ciidamo bilays ah ayaa hawlgal ugu baxay deegaanada cadwo , Janbaloodi,daryada Salaaximo, warwar, Waadikhayr Gondoli , magagax , cuur iyo xinka oo kamid ah meelaha lagu sheegay inay kajirto gubista Dhuxusha iyagoo burburiyey godad lagu gubi jirey dhuxusha soona qabqabtay dadkii hawshaas waday qaar badana digniin kama danbays ah u jaray.

.
.

Maxamed Ibrahim Axmed
Degmada Baargaal- Gobolka Gardafuu

_________________________________

gardafuul-8 gardafuul-9 gardafuul-13 gardafuul-12 gardafuul-11 gardafuul-7 gardafuul-10 gardafuul-6 5 gardafuul-4 gardafuul-3

_____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment