3243 Views

Dibadbax looga soo horjeedo afgambigii Turkiga oo ka socda Muqdisho

Dibadbax looga soo horjeedo afgambigii Turkiga oo ka socda Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 16, 2016: Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo isku daygii fashilmay ee la doonayey in lagu afgambiyo dowlada sharciga ah ee dalka Turkiga ayaa saaka ka socda magaalada Muqdisho.

Dibadbaxan waxaa ka qeyb galaya qeybaha kala duwan ee shacabka gobolka Banaadir, oo muujinaya sida ay uga xun yihiin isku daygaasi, iyo sida ay u taageersan yihiin dowladda dalka Turkiga.

Waxaa la filayaa in banaanbaxa ay ka qeyb galaan madax ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, si iyana ay shacabka ula qeybsadaan dareenkooda ku aaddan waxa ka dhacay dalka Turkiga.

Waxaa la arkayaa shacab badan oo sida calanka dalka Turkiga iyo sawirada madaxweyne Erdogan oo isugu soo baxay waddooyinka magaalada Muqdisho.

Dibadbaxayaasha ayaa ku soo uruuraya taalada Daljirka Dahsoon halkaas oo la filayo iney kula hadlaan mas’uuliyin ka tirsan dowladda Federaalka iyo madaxda Ururada Bulshada Gobolka Banadir.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment