3690 Views

Mashaariicdi Hey’adda Nile ka waday Soomaaliya, oo laga joojiyay

Mashaariicdi Hey’adda Nile ka waday Soomaaliya, oo laga joojiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 16, 2016: Dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa maanta ku dhawaaqday inay joojisay howlihii mashaariic ay Hey’adda Nile ka waday Soomaaliya, kaasoo la sheegay inay lahaayeen Kooxdii ku lugta laheyd afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay Turkiga.

Wararka sida ay sheegayaan, Hey’adda Nile ayaa lala xiriiriyay inuu madax ka ahaa Wadaadka Fathullah Gullen oo dowladda Turkiga ku eedeysay inuu ahaa ninkii ka dambeeyay Afgambigii dhicisoobay ee shalay dhacay.

Dowladda Turkiga ayaa ku wargelisay dowladda Soomaaliya in la xiro Hey’adda Nile oo xarumo isugu jira Isbitaalo iyo Dugsiyo waxbarasho ku leh Soomaaliya.

Golaha Wasiirada oo shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si buuxda isugu raacay in Hey’adda Nile shaqada laga joojiyo si deg-deg ah.

Golaha Wasiirada ayaa muddo todobo maalmood ah u qabtay inay dalka uga baxaan howl wadeenada Hey’adda Nile ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Nile Academy ayaa maamusha dugsiyo waxbarasho iyo Isbitaalo waxaana ka mid ah: Isbitaalka Defa iyo Dugsiga waxbarashada ee Politechnicko iyo sido kale dugsi waxbarasho oo ku yaala dhismihii horo ee loo yaqiin Dugsigii Sare ee Banaadir.

Golaha Wasiirada ayaa mar kale adkeeyay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga inuu sii jiri doono, isla markaana ay sii socon doonaan howlaha mashaariicda Turkiga wado, ayada oo la filaayo in qar kale laga hirgelin-doono Soomaaliya.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment