4797 Views

Saraakiil loo xiray Af-gambigi Turkiga

Saraakiil loo xiray Af-gambigi Turkiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 16, 2016: Qaar badan oo ka mid ah saraakiisha hogaamineysay isku dayga afgambiga ee Fashilmay ayaa xabsiga la dhigay, waxaana la sheegay in ay gaarayaan 754 oo isugu jira Saraakiil iyo Ciidan, qar kalena weli la raadinayo.

Waxaa weli la baadi goobayaa Saraakiil kale oo ku lug lahaa sida la sheegay Afgambiga dhicisoobay kuwaasi oo la sheegay iney yihiin baxsad, balse an meel fog gaari-karin.

Madaxweynaha Dalka Turkiga ayaa hada shir guddoominaya shir deg deg ah oo uu isugu yeeray Golihiisa Wasiirada, kaa soo looga hadlayo xaalada soo food saaray Turkiga iyo looga tashan lahaa. Sidoo kale waxaa shirkan deg deg ah loogu hadlayaa sida loo wajahayo wixii ka hacay dalka Turkiga.

Shacabka Dowlada Turkiga oo ay wehliyaan Booliska iyo Sirdoonka ayaa xalay bilaabay inay xir xiraan ciidamadii ka qeyb qaadanayay isku dayga afgambiga fashilmay, waxaana shacabka reer Turkiga ay muujiyeen geesinimo oo ay ku bad baadiyeen dowladooda.

Taasina la yaab ma lahaa oo waxa la ogyahay in Turkiga ay dad il-baxnimo soo jireen ah leh una bisil id bedellada had iyo jeer ka dhaca Aduunka hadda jira.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment