4323 Views

Sarkaalka hoggaaminayay afgambigi Turkiga oo la magacaabay

Sarkaalka hoggaaminayay afgambigi Turkiga oo la magacaabay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 16, 2016: Wakaalada Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa goor dhow magacawday Sarkaalka hogaaminayay isku dayga afgambiga ee fashilmay oo lagu magacaabo Colonel Muharrem Kose.

Saraakiisha qaar hogaamineysay isku dayga afgambiga ayaa xabsiga la dhigay, waxaana wakaalada ay soo warineysaa in tirada askarta iyo saraakiisha la xiray ay gaarayaan 754 askari ugu yaraan.

Shacabka Turkiga oo ay wehliyaan Booliska iyo Sirdoonka ayaa xalay bilaabay inay xir xiraan ciidamadii ka qeyb qaadanayay isku dayga afgambiga, waxaana shacabka reer Turkiga ay muujiyeen geesinimo oo ay ku bad baadiyeen dowladooda, taaso ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo Xadaarad soo jireen ah.

Weli lama oga inuu Colonel Muharrem Kose uu ku jiro saraakiisha la xir xiray, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu sarkaalkan uu iminka yahay baxsad.

Waxaa goor dhow hawada ugu soo laabtay Telefishinka Qaranka oo ay xalay qabsadeen Ciidamada afgambiga damacsanaa. Sidoo kale waxaa la baadigoobayaa saraakiil kale oo baxsad ah, kuwaasoo lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen isku dayga afgambiga.

Colonel Muharrem Kose ayaa waxaa horay looga eryay ciidamada, kadib markii lagu helay inuu taageero wadaadka Fethullah Gulen, kaasoo dowladda ku eedeysay inuu ka dambeeyay afgambiga shalay la isku dayay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa hada shir guddoominaya shir deg deg ah oo uu isugu yeeray Golihiisa Wasiirada, kaasoo looga hadlayo xaalada soo food-saaray Turkiga iyo sidi looga hor tegi lahaa.

Xaalada Turkiga ayaa caadi ku soo laabaneysa, iyadoo dadweynaha Turkiga ay waddooyinka isugu soo baxeen, iyagoo difaacaya dowladooda iyo shacbigooda.

Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa cambaareeyay isku dayga afgambiga, waxaana uu taageero u muujiyay dowlada la doortay iyo dimoqraadiyada.

Warbaahinta caalamka ayaa si toos ah uga hadlayay isku dayga afgambi ee fashilmay, waxaana Turkiga tan iyo sanadkii 1960 uu caan ku ahaa afgambiyada milateri ee is daba joog ah.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment