3273 Views

Erdogan oo Mareykanka ugu baaqay in uu gacanta u soo geliyo Fathullah Gulen

Erdogan oo Mareykanka ugu baaqay in uu gacanta u soo geliyo Fathullah Gulen
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 17, 2016: Recep Tayyib Erdogan, Madaxweynaha Turkiga, ayaa ugu baaqay dowladda Mareykanka inuu si deg deg ah ugu soo wareejiyo Wadaadka lagu magacaabo Fathullah Gulen, kaasoo lagu eedeynayo inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay afgambigii ka dhacay Turkiga.

Madaxweynaha oo meel fagaare ah kala hadlayay kumanaan taageerayaal isugu soo baxay magaalada Ankara ayaa ku eedeeyay Fathullah Gulen inuu maleegay afgambiga, waxaana uu ka codsaday Mareykanka inuu ku soo wareejiyo.

“Mudane Madaxweyne waxaa si deg deg ah kaaga codsanayaa inaad Fathullah Gulen nagu soo wareejiso”ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga oo codsi gaar ah u jeediyay Madaxweyne Obama.

Suufiga lagu magacaabo ayaa sanadihii u dambeeyay ahaa dibad joog, kadib markii ay isku dhaceen isaga iyo Madaxweyne Erdogan, wadaadkan ayaa ku sugan Gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka.

Fathullah Gulen ayaa beeniyay eedeynta ka soo yeertay Madaxweynaha Turkiga ee ahaa inuu ka dambeeyay isku daygii afgambiga.

Dad ka badan 3,000 oo ruux oo isugu jira askar, saraakiil ciidan u badan Generalo ayaa loo xiray isku daygii afgambiga fashilmay, waxaana dadka la xiray ka mid ah Taliyihii hore ee Ciidamada Cirka oo xiriir la lahaa Gulen.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment