3078 Views

Shir 27aad ee Midowga Afrika oo mar dhow ka furmay Kigali

Shir 27aad ee Midowga Afrika oo mar dhow ka furmay Kigali
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 17, 2016: Waxaa mar dhoweyd ka furmay magaalada Kigali ee Caasimada Rwanda shir madaxeedka Midowga Afrika oo ah shirkii 27aad, iyadoo ajandayaasha shirka looga hadlayo ay ugu weyn tahay colaada Koofurta Sudan iyo Baasaboor ay yeeshaan dalalka Midowga Afrika ee ay ku midaysanyihiin.

Shirkan ayaa waxaa lagu marti qaaday diblomaasiyiin caalami ah, iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon uu ka soo qeyb geli doono.

Xubnaha 54 dal ee Midowga Afrika ayaa isku raaci doona hal baasaboor oo ay yeeshaan, waxaana la filayaa in loo sameeyo dacaayado ii dhah ah.

Inkastoo aan waligeed Afrika isku raacin hal aragti, hadana waxaa la filayaa in qorshaha halka Baasaboor uu noqdo mid la dar dar geliyo sanadka 2020, illaa 13 dal oo afrikan ah ayaa ogol kaliya in dalalkooda lagu galo Viiso la’aan.

Midowga Afrika ayaa side kale ka doodi doona suurta galnimada in ciidamo nabad ilaalin loo diro Koofurta Sudan oo uu dib uga soo cusboonaaday dagaalo hor leh.

Xoghahayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ka dalban doona dalalka Afrika inay ciidamo, kuwaas oo laga doonayo in ay bad baadiyaaan dadka rayidka ee  Koofurta Sudan.

Shirkaan Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in hoggaan cusub lagu doorto, iyadoo la Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ay tahay Haweeneyda lagu magacaabo Dlamina Zuma oo xilkan ay kula tartamayaan illaa saddex musharax oo kale oo afrikaan ah.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment