4584 Views

Wasiiro ka tirsan Galmudug oo shil gaari ku geeriyooday

Wasiiro ka tirsan Galmudug oo shil gaari ku geeriyooday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 17, 2016: Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa shalay gelinkii dambe ku geeriyooday shil gaar ka dhacay inta u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Cadaado.

Shilkan ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Badiiradley, iyadoo gaariga shilka galay ay saarnaayeen Wasiiru dowladaha Howlaha Guud Aweys Cali Siciid, Wasiiru dowladaha Maaliyada Axmed C/llaahi Diiriye Baashe, Nabadoon C/llaahi Yuusuf Guuleed iyo nin ilaalo u ahaa.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Wasiirada ka tirsan Galmudug iyo nabadoonka, waxaana uu xusay in mas’uuliyiintan ay ku soo wajahnaayeen degmada Cadaado oo xarun KMG u ah Galmudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shilka gaariga uu sababay gaariga oo xawaare ku socday, isla markaana u baxday lug.

Labada Wasiiru dowle ee ka tirsan Maamulka Galmudug, Nabadoonka iyo ninka ilaalada ahaa ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Cadaado.

Wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Cadaado ayaa ah mid bur bursan, waxaana horay uga dhacay shilal gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac intaba.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment