5310 Views

Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo ku dagaalamay Gobolka Sanaag

Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo ku dagaalamay Gobolka Sanaag
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 18, 2016: Wararka nooga imaanaya Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in deegaan lagu magacaabo Booda-Cad oo 30-KM u jira degmada Dhahar uu dagaal ku dhex maray Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Waxaa la sheegay inuu dagalka ka dhashay khasaarooyin kala duwan, inkastoo aanay jirin faah faahin rasmi ah oo ku aadan khasaaraha dagaalka, dhimasho iyo dhaawac.

Ismaaciil Shaqalle,Taliyaha Ciidamada Milateriga Somaliland, ayaa ku eedeeyay in Ciidamada Puntland ay saaka weerar ku soo qaadeen fariisimahooda, isla markaana weerarka ay ku jebiyeen, qasaarana ay kala kulmeen.

Shaqalle ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay ka qabsadeen saddex gaari, isla markaana gacanta ku hayaan lix Maxbuus oo uu ku jiro Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanka ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Somaliland, ayaa lagu magacaabaa Maxamed Faarax Canjeex, sida ay sheegtay Somaliland.

Waxaa ka jira dhaq dhaqaaq ciidan inta u dhaxaysa Xiingalool iyo Dhahar, waxaana deegaanada Sanaag Bari ay Somaliland ka wadaa diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha doorashada ka dhici doonta Somaliland sanadka soo socda 2017.

Laba maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaa u dhaxeeya muran la xiriira dhinaca deegaanada Sool iyo Sanaag oo mdiba midka kale sheeganayo inuu maamulkiisa hoos-yimaado, balse taa waxaa xalli kara shacabka u dhashay meesha.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment