3801 Views

IGAD oo mar kale fashilatay shirki ay la lahayd waxgaradka Hiiraan

IGAD oo mar kale fashilatay shirki ay la lahayd waxgaradka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 18, 2016: Waxaa lagu soo waramayaa in ururka IGAD safar aan horay loo sii shaacin ay maanta ku tageen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxay kulan dheer oo albaabada loo xiray la qaateen waxgaradka gobolka Hiiraan ee diidan maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, kaasi oo waqti badan qaatay.

Wararka ayaa sheegayaan in kulanka uu fashil kusoo dhammaaday, islamarkaana labada dhinac ay diideen in ay saxaafadda la hadlaan, waxaana dib u laabtay xubnaha ka socday IGAD oo Maxamed Cabdi Afey uu hormuudka u ahaa.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment