4269 Views

Itoobiya oo dad rayid ah ku laaysay deegaanka Aw-diinle

Itoobiya oo dad rayid ah ku laaysay deegaanka Aw-diinle
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 19, 2016: Wararka na soo gaaray ayaa sheegayaa in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa dad rayid ah ku xasuuqay deegaanka Aw-diinle ee hoos-tagta magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, iyadoo dadka la dilay ay ahaayeen odayaal iyo culumaa’udiin e gegankaas la yaqaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay dileen 14 ruux oo isugu jiray odayaal iyo culumaa’udiin ku sugnaa goob uu ka jiray Xus iyo quraan aqris.

AMISOM ayaa war qoraal ah oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in dadka rayidka ay ku dhinteen intii uu socday dagaal u dhaxeeyay Ciidamada AMISOM, iyo Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka War-Diile.

Warka ka soo baxay AMISOM ayay ku sheegtay inay baaritaan ku saabsan dilka dadka rayidka ah ay sameyneyso, wixii ka soo baxana la soo bandhigayi.

Dadka Soomaalida ah ayaa u haysta in AMISOM aysan waxba ka qabandoonin. Ma ah marki ugu horreysa oo Ciidaman Itoobiyan ah ay dad shacbi ah ku xasuuqaan guryahooda.

C/qaadir Cali Xasan oo horay Guddoomiye kuxigeen uga soo noqday deegaanka Aw-diinle ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay si ula kac ah u laayeen dadka, ayaga oo qaar risaas ku dileen qar kalena ay gowraceen

“Waa waxba kama jiraan in deegaankaas Al-Shabaab ku sugnaayeen, meesha dadka lagu laayay waxaa ka jiray xus, halkaas baa xoolo lagu qashay, markiiba inta ay galeen ayay rasaas ooda uga qaadeen”ayuu yiri C/qaadir Cali xasan oo sheegay in odayaasha la dilay uu ku jiray aabihiis.

Dhinaca kale Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka oo shalay deegaanka tagay ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya oo deegaanka tagay ay rasaas ka dhex bilaabeen Al-Shabaab oo deegaanka ku dhex dhuumanayay, sidaasna uu dagaalka ku bilowday.

“In aan dadka deegaanka iyo AMISOM soo xog wareysano ayaan saakay u baxnay, Meesha Waxaa ka dhacay xaafad ay kulan Duco ah ku lahaayeen dadka deegaanka ayaa Ciidamada looga soo sheegay in ay joogaan koox ka tirsan Al-shabaab, markii ay ciidamada tageen ayay kasoo waayeen waxii loo sheegay, dadka ayaa ka baqay in ay sheegaan maleeshiyaadka ku dhex dhuumanayay deegaanka, mid kamid ah maleeshiyaadka al-shabaab ayaa billaabay Xabad, wuxuuna dilay mid kamid ah ciidamadii AMISOM ee goobta ku sugnaa, halkaas ayaa dagaal ka billaawday waxa ay sababtay dhimashada 14 ruux oo ay kamid yihiin Odayaal dhaqameed ku sugnaa goobta” ayuu yiri Ibraahin Yarow.

Ma ahan markii u horeysay ee Ciidamada Itoobiya ay dad rayid ah ku laayaan deegaano ka tirsan Gobolada Bay iyo Bakool, waxaana bilo ka hor ay dad rayid ah ku xasuuqeen deegaan ka tirsan Gobolka Baay, Dowlada Soomaaliya wax ay arrintaas ka qabatay ila hadda ma jirto.

meyd-xasuqa

meyd-xasuq

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment